HomeWararAxmed Madoobe oo Mareykanka u gudbiyey in aan Doorasho lagu qaban karin...

Axmed Madoobe oo Mareykanka u gudbiyey in aan Doorasho lagu qaban karin Garbahaarey

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Lary Andre ayaa wada hadalo khadka taleefanka la yeeshay Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada, si uu ugu adkeeyo in doorashada Golaha Shacabka lagu soo gabagabeeyo 15 bishan March. Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed iyo Puntland ayaa u xaqiijiyay inay xubnaha ka haray doorashada deegaanadooda ay ku soo gabagabeynayaan ka hor 15 March. […]

- Advertisement -

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Lary Andre ayaa wada hadalo khadka taleefanka la yeeshay Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada, si uu ugu adkeeyo in doorashada Golaha Shacabka lagu soo gabagabeeyo 15 bishan March.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed iyo Puntland ayaa u xaqiijiyay inay xubnaha ka haray doorashada deegaanadooda ay ku soo gabagabeynayaan ka hor 15 March.

- Advertisement -

Safiirka ayaa sidoo kale la hadlay Madaxweynaha Hirshabelle oo ay ka wada hadleen xaaladda Beledweyne iyo caqabadaha ku xeeran dhameystirka doorashada, waxaana Madaxweyne Guudlaawe u sheegay in aanu lagu soo gabagabeyn karin 15 bishan doorashada xubnaha ku haray Beledweyne, isla markaana u baahan yahay waqti, iyadoo la siiyay waqti dheeri ah

Safiirka Mareykanka ayaa waxaa uu kaloo xaalada Garbahaarey oo ay taallo 16 kursi kala hadlay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo isna u sheegay in aanay suura gal aheyn in doorasho lagu qabto deegaankaas oo ay caqabad ka jirto, waxaana Jubbaland ay door bideysaa in meel kale lagu qabto oo aan aheyn Garbahaarey, sida degmada Ceelwaaq oo kale.

Ilo ku dhow Safiirka Mareykanka ayaa sheegaya inuu arrinta Garbahaarey uu kala hadlay Madaxweynayaasha kale ee dowlad Goboleedyada oo ku aadan aragtidooda, waxayna Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed u sheegeen inay muhiim tahay in heshiiskii 17 September la fuliyo oo iyagaba sidii loogu tala galay u dhaqan geliyeen.

Latest stories