HomeWararSaraakiisha kala hoggaamineysay Ciidamadii ku dagaalamay Boosaaso oo la heshiisiiyay

Saraakiisha kala hoggaamineysay Ciidamadii ku dagaalamay Boosaaso oo la heshiisiiyay

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Waxaa Maanta kulan ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari la isugu keenay dhammaan Saraakiisha hoggaamineysay Ciidamada Puntland ee dhexmaray dagaalkii salka ku haayay xiisadii xilka qaadista. Kulanka ayaa waxaa uu ahaa mid lagu soo afjarayey laguna heshiisiiyay dhammaan Saraakiisha kala hoggaamineysay Ciidanka PSF ee taabacsanaa Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano iyo kuwa […]

- Advertisement -

Waxaa Maanta kulan ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari la isugu keenay dhammaan Saraakiisha hoggaamineysay Ciidamada Puntland ee dhexmaray dagaalkii salka ku haayay xiisadii xilka qaadista.

Kulanka ayaa waxaa uu ahaa mid lagu soo afjarayey laguna heshiisiiyay dhammaan Saraakiisha kala hoggaamineysay Ciidanka PSF ee taabacsanaa Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano iyo kuwa kale oo ka tirsan Puntland, kuwaasi oo dagaalamay.

- Advertisement -

Saraakiil ka kala socday dhinacyada Ciidanka sida, PSF,  PMPF, Boolis iyo Daraawiish oo kulanka goobjoog ka ahaa ayaa ku ballamay sidii wadashaqeyntii jirtay dib loogu soo celin lahaa, loogana gudbi lahaa xaaladihii Ciidanka dhexdooda ka dhacay.

Cabdisamad Maxamed Galan oo ah Wasiirka amniga Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in la heshiisiiyay Saraakiisha Colaada dhexmartay, isla markaana kulanka ka dhacay Boosaaso uu kusoo dhammaaday guul, lana soo afjaray wax kasta oo khilaaf oo dhinacyada ka dhex jiray.

Dagaalkii Magaalada Boosaaso ku dhexmaray Ciidanka PSF iyo kuwa Maamulka Puntland ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray Ciidanka, sidoo kalena Magaalada laga wada barakacay, burbur uu gaaray dhismayaal farabadan.

- Advertisement -

Si kastaba tallaabadan ayaa ka dambeeysay, kadib markii xal buuxa laga gaaray xiisadii ka dhalatay xilka qaadistii dabayaaqada sanadkii tegay uu Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ku sameeyay Agaasimihii Ciidanka PSF Maxamuud Cismaan Diyaano, waxaana xalinta xiisada ku guuleystay Isimadda Puntland oo soo afjaray xiisadii taagneyd.

Latest stories