HomeWararRW Rooble iyo Safiirka Mareykanka oo ka wada hadlay Doorashada, Codsi loo...

RW Rooble iyo Safiirka Mareykanka oo ka wada hadlay Doorashada, Codsi loo diray DG

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta khamiista ah kulan la yeeshay safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre. Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Safiirka ayaa waxaa looga wada hadlay Arrimaha doorashooyinka dalka, iyadoo ay heer gebo-gebo ah mareyso doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka. […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta khamiista ah kulan la yeeshay safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Safiirka ayaa waxaa looga wada hadlay Arrimaha doorashooyinka dalka, iyadoo ay heer gebo-gebo ah mareyso doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

- Advertisement -

Rooble iyo Danjire Andre ayaa ka wada hadlay habsami u socodka doorashada, iyagoo isla soo qaaday sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashada xildhibaannada Golaha Shacabku ku soo idlaato xilligii ay horay ugu heshiiyeen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee 15-ka Maarso.

Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo soo dhaweeyay xowliga ay ku socoto doorashada, iyadoo ilaa hadda la doortay 80% xildhibaannada Golaha Shacabka, ayaa dhanka kale sheegay in aan la aqbali karin dib u dhac kale oo doorashada ku yimaada.

Wuxuu Rooble ka Codsaday Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada sida : Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug in ay doorashada soo gebogebeeyaan ugu dambeyn 15-ka Maarso sidii horay loogu heshiiyay.

Latest stories