HomeWararQaramada Midoobay oo shaacisay in Dagaalka ka socda Ukraine uu saameeyay Somalia

Qaramada Midoobay oo shaacisay in Dagaalka ka socda Ukraine uu saameeyay Somalia

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalada ka socda dalka Ukraine ay saameeyeen ku yeesheen ka Jawaabida xaaladda abaarta baahsan ee xiligaan ka jirta dalka Soomaaliya, taasi oo saameyn ballaaran ku reebtay qoysas farabadan oo kunool degaano iyo degmooyin ka tirsan dalka. Xiriiriyaha Arrimaha Bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Adam Abdelmoula oo warbaahinta kula hadlay […]

- Advertisement -

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalada ka socda dalka Ukraine ay saameeyeen ku yeesheen ka Jawaabida xaaladda abaarta baahsan ee xiligaan ka jirta dalka Soomaaliya, taasi oo saameyn ballaaran ku reebtay qoysas farabadan oo kunool degaano iyo degmooyin ka tirsan dalka.

Xiriiriyaha Arrimaha Bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Adam Abdelmoula oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Nairobi ayaa waxaa uu sheegay in xaaladdu aad u xun tahay, ayna ka digayaan in ay soo food saarto dhaqaale la’aan naafaysa, si wax looga qabto abaarta ba’an ee ka jirta Soomaaliya.

- Advertisement -

Adam Abdelmoula ayaa xaqiijiyay in loo baahan yahay lacag dhan $1.46 bilyan oo u dhiganta (1.23 bilyan oo Yuuro), si loogu loogu daboolo baahiyaha Soomaalida, isagoona xusay in abaarta ay saameeysay 4.5 milyan oo qof oo ka barakacay guryahooda.

“Xaaladdu aad ayay u xun tahay,” Ku dhawaad ​​671,000 oo qof ayaa lagu qasbay inay ka cararaan guryahooda si ay biyo, cunto ama daaq u raadiyaan xoolahooda, taasoo ka badan laba jibaar 245,000 oo barakacay bishii December. Sanadihii la soo dhaafay” ayuu yiri Adam Abdelmoula oo ka hadlaayay ka Jawaabida abaaraha ka jira Somalia.

Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay sheegtay qalalaasaha dalka Ukraine ka taagan inuu qaadanayo dhammaan taageerada caalamku ugu talo galay dalalka kale oo ay ku jirto Soomaaliya, xili maalintii 15-aad ay dagaalo ka socdaan Magaalooyin ka tirsan Ukraine.

- Advertisement -

Soomaaliya saddex xilli rooobaad oo isku xigxiga ma helin roobab ku filan oo hoos u dhiga heerka abaartu marayso, oo ah mid aad usii kordhaysa, iyadoo ay jiraan dad u geeriyooday haraad iyo gaajo, sidoo kalena gurmadyo la gaarsiiyey meelaha qaar.

Latest stories