HomeWararGuddiga Doorashooyinka Federaalka oo dib u fasaxay saddex kursi oo hakiyeen

Guddiga Doorashooyinka Federaalka oo dib u fasaxay saddex kursi oo hakiyeen

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa shaaca ka qaaday inay dib u fasaxeen saddex oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo shalay hakiyeen, kadib cabasho looga soo gudbiyey kuraasta. Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Axmed Safiina oo shir Jaraa’id saqdii dhexe ee xalay qabtay ayaa waxaa uu ku sheegay in Guddiga uu […]

- Advertisement -

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa shaaca ka qaaday inay dib u fasaxeen saddex oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo shalay hakiyeen, kadib cabasho looga soo gudbiyey kuraasta.

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Axmed Safiina oo shir Jaraa’id saqdii dhexe ee xalay qabtay ayaa waxaa uu ku sheegay in Guddiga uu dib u fasaxay kuraasta tirsigoodu kala yihiin Hpoe010, Hope 030 iyo Hpoe066 oo doorashadoodu  ka dhaceyso Magaalada Baladweyne.

- Advertisement -

Wuxuu sheegay Afhayeen Axmed Safiina  in markii hore kuraasta ay hakiyeen looga soo gudbiyey cabasho la xiriirta hannaanka loo maray kuraasta, balse markii dambe laga buuxa laga gaaray arrintaas, isla markaana Guddiga uu go’aansaday inay dib u fasaxaan.

Sidoo kale Afhayeenka Guddiga ayaa ku wargeliyay ergada iyo Musharaxiinta u tartamaya kuraastaas inay isku diyaariyaan doorashada, maadaama loo dhameystiray habraacyadii doorashada, isla markaana doorashada la qaban doono wixii ka dambeeya salaada Duhur ee Maanta.

Guddiga doorashada heer Federaal ayaa shalay hakiyey qabashada doorashada saddexda kursi ee Golaha Shacabka, xili Musharaxiinta u tartameysa kuraasta la siiyay shahaadada Musharaxtinimo, waxaana Musharaxiinta ku jira Daahir Amiin Jeesow oo sanadihii lasoo dhaafay Xildhibaan ahaa.

Latest stories