HomeWararJadwalka Doorashada kuraas uu ku jiro kursiga C/raxmaan Odawaa oo la shaaciyay

Jadwalka Doorashada kuraas uu ku jiro kursiga C/raxmaan Odawaa oo la shaaciyay

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xalay soo saaray Liiska kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Qoraal uu soo saaray Guddiga doorashada ayaa lagu shaaciyey qabashada doorashada saddex kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Galmudug, waxaana kuraasta la […]

- Advertisement -

Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xalay soo saaray Liiska kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Qoraal uu soo saaray Guddiga doorashada ayaa lagu shaaciyey qabashada doorashada saddex kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Galmudug, waxaana kuraasta la soo saaray ku jira kursiga #HOP069 oo uu ku fadhiyo Xildhibaan C/raxmaan Odawaa.

- Advertisement -

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya saddexda kursi ay bilaabaneyso 11-ka bishaan Maarso, isla markaana doorashada la qabana doono 12-ka bisha, taasi oo ka dhaceysa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Kursiga tirsigiisu yahay #HOP069 oo uu ku fadhiyo Xildhibaan C/raxmaan Odawaa ayaa la filayaa inuu noqdo kursi siweyn loogu loolamo, isla markaana waxaa Musharaxiinta u sharxan ku jira Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-cadaala.

Maamulka Galmudug ayaa si dardar leh u wada doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana haatan doorashadoodu ka socotaa deegaan doorashada labaad ee Gaalkacyo.

- Advertisement -

Latest stories