HomeWararDowladda Soomaaliya oo taageero hor leh ka dalbatay Jaamacadda Carabta

Dowladda Soomaaliya oo taageero hor leh ka dalbatay Jaamacadda Carabta

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa kula kulmay Xarunta Jaamacadda Carabta ee Magaalada Qaahira Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Ahmed Aboul Gheit. Kulanka dhexmaray labada Mas’uul ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Danjire Ilyas Sheikh Omar, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Masar ahna Ergeyga Joogtada ee Jaamacadda […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa kula kulmay Xarunta Jaamacadda Carabta ee Magaalada Qaahira Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Ahmed Aboul Gheit.

Kulanka dhexmaray labada Mas’uul ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Danjire Ilyas Sheikh Omar, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Masar ahna Ergeyga Joogtada ee Jaamacadda Carabta.

- Advertisement -

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay dhowr arrimood oo ay ugu muhiimsanayd siyaabaha ay wadamada carbeed uga taageeri lahaayeen Soomaaliya wax ka qabashada xaaladda daran ee abaaraha ee ka jira dalka iyo sidoo kale doorashooyinka socda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo wafdiga socdaalkiisa ku wehliya ayaa Maanta oo Arbaco ah kaga qeybgali doona Magaalada Qaahira Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Carbeed meertadiisa caadiga ah ee 157-aad.

Latest stories