HomeWararQM oo mar kale ku baaqday in la ilaaliyo Qoondada Haweenka doorashada...

QM oo mar kale ku baaqday in la ilaaliyo Qoondada Haweenka doorashada Soomaaliya

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Qaramada Midoobay ayaa Haweenka Soomaaliyeed waxay ugu hambalyaysay Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka, waxaana Qaramada midoobay ay xustay dadaalkooda hagar la’aanta ah iyo gacansiintooda baaxadda leh ee horumarinta nabadda, xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka dalka. “Haweenka Soomaaliyeed waxa ay soo muujiyeen geesinnimo, adkeysi iyo go’aan aan gaabis lahayn si loo xaqiijiyo sinnaanta jinsiga iyo ka […]

- Advertisement -

Qaramada Midoobay ayaa Haweenka Soomaaliyeed waxay ugu hambalyaysay Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka, waxaana Qaramada midoobay ay xustay dadaalkooda hagar la’aanta ah iyo gacansiintooda baaxadda leh ee horumarinta nabadda, xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka dalka.

“Haweenka Soomaaliyeed waxa ay soo muujiyeen geesinnimo, adkeysi iyo go’aan aan gaabis lahayn si loo xaqiijiyo sinnaanta jinsiga iyo ka qaybgalka buuxa ee haweenka ee dhammaan dhinacyada nolosha” ayuu yiri ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

- Advertisement -

“Waxaan bogaadinayaa doorka firfircoon ee haweenka Soomaaliyeed iyo u ololeynta geeddi-socodka doorashada federaalka ee socda si loo gaaro qoondada ugu yaraan 30 boqolkiiba ee haweenka. Matalaadda haweenku waxa ay wax ka beddeli kartaa siyaasadda Soomaaliya, taas oo ka dhigaysa mid loo dhan yahay oo wadar ah,” ayuu raaciyay.

Sidoo kale Qoraalka uu soos aaray Xafiiska Qarmada midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu yiri: “Waa muhiim in haweenka Soomaaliyeed la siiyo saamigooda ey u qalmaan ee siyaasadda, iyo sidoo kale horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada,” ayuu yiri Md Swan. “Waa muhiim in wax-qabadkooda la aqoonsado oo ay la socdaan booskooda saxda ah ee ay ku leeyihiin hoggaanka iyo go’aan ka gaarista nabadda iyo geeddi-socodyada siyaasadda.”

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay qireysaa dedaalka iyo gacansiinta mugga leh ee haweenka Soomaaliyeed ay sameeyeen sannadihii lasoo dhaafay waxayna ku boorrinaysaa dhammaan daneeyayaasha Soomaaliyeed, gaar ahaan madaxda dalka, inay xaqiijiyaan ka mid noqosho ka ballaaran, cod-yeelasho iyo ka-qaybgalka haweenka ee dhammaan hay’adaha heer qaran iyo heer dowlad-goboleed si loo yaqiinsado loona joogteeyo nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

- Advertisement -

Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka ayaa laga soo xusayay adduunka oo dhan tan iyo 1975, si loogu dabaaldego guulaha bulsho, dhaqaale, dhaqan iyo siyaasadeed ee haweenka. Maalintan waxa ay sunteysaa baaq waxqabad oo loogu talagalay dardargelinta sinnaanta jinsiga.

Latest stories