HomeWararMuxuu salka ku hayaa Khilaafka u dhexeeya Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed?

Muxuu salka ku hayaa Khilaafka u dhexeeya Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed?

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Waxaa soo if-baxaya khilaaf xooggan oo u dhexeeya madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed, kaasi oo salka ku haya kuraasta Golaha Shacabka ee Baladweyne yaalla. Khilaafka oo maalmihii ugu dambeeyay si weyn la iskula dhex-marayay, ayaa haatan bannaanka yimid, kadib markii mas’uuliyiin iyo dad lagu kasloonaan karo oo kasoo jeeda […]

- Advertisement -

Waxaa soo if-baxaya khilaaf xooggan oo u dhexeeya madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed, kaasi oo salka ku haya kuraasta Golaha Shacabka ee Baladweyne yaalla.

Khilaafka oo maalmihii ugu dambeeyay si weyn la iskula dhex-marayay, ayaa haatan bannaanka yimid, kadib markii mas’uuliyiin iyo dad lagu kasloonaan karo oo kasoo jeeda Hiiraan ay arrintaasi shaaciyeen, xili ay socoto doorashada Golaha Shacabka ee maamulkaasi.

- Advertisement -

Dadka ka hadlay khilaafka labada mas’uul oo bannaanka keenay waxaa ka mid ah Wasiirkii hore ee Waxbarashada Dowladda Soomaaliya ahna Xildhibaan uu waqtigu ka dhamaaday Cabdullaai Goodax Barre.

Goodax oo Wareysi dhinacyo badan taabanaya bixiyay ayaa waxaa uu carrabka ku dhuftay in uu jiro Khilaaf kii ugu xoogganaa abid oo u dhexeeya Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed, isagoo shaaciyay in Yuusuf Dabageed Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle uu doonayo in kuraasta Golaha Shacabka ee yaalla Baladweyne loo xiro shaqsiyaad gaar ah, halka cali Guudlaawe uu doonayo in tartanka la furo oo kurasta aanan cidna loo xirin.

Waxaa uu intaa ku daray in Labada mas’uul mid-kood uu doonayo in uu ka baxo ballamihii ay dhawaan la galin musharixiinta ee ku aaddanaa in si daah furan loo tartami doono, doorashaduna ay noqon doonto mid loo siman yahay, balse Yuusuf Dabageed uu heshiiskii iyo ballamihii la kala qaatay uu ka baxay.

- Advertisement -

Dhawaan ayay ahayd markii Cali Guudlaawe iyo Ku xigeenkiisu ay isugu yeereeen ilaa iyo 50 musharax, kuwaasi oo lagu qanciyay in doorashadu ay noqon doonto mid daah furnaan ku dhisan, balse wixii intaas ka dambeeyay waxaa soo baxayay  warar hoose oo ku aaddan in wax is-dabamarin uu wado Yuusuf Dabageed Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, taasi oo keentay in Beelaha qaar ee iska leh kuraasta shaqsiyaadka loo xirayo ay gadoodaan.

Sidoo kale Guddiga Maamulka Doorashada dowlad goboleedka Hirshabeelle ( SEIT) ayaa shaaciyey magacyada odoyaasha dhaqanka iyo Ururada bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka, oo dhawaan la guda gali doono doorashadooda, kuwaasi oo kala ah HOP#010, HOP#030 iyo HOP#066.

Latest stories