HomeWararXukuumadda Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo ka wada hadlay Amniga dalka

Xukuumadda Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo ka wada hadlay Amniga dalka

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda xilgaarsiinta. Cabdullaahi Maxamad Nuur iyo safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann ayaa si wadajir ah u shir guddoomiyay Kulan looga hadlayay arrimaha doorashooyinka oo ay ka qeyb galeen safiirada waddamada Midowga Yurub. Shirka oo ka dhacay xarunta dhexe ee Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa waxaa diirrada lagu saaray Amniga […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda xilgaarsiinta. Cabdullaahi Maxamad Nuur iyo safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann ayaa si wadajir ah u shir guddoomiyay Kulan looga hadlayay arrimaha doorashooyinka oo ay ka qeyb galeen safiirada waddamada Midowga Yurub.

Shirka oo ka dhacay xarunta dhexe ee Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa waxaa diirrada lagu saaray Amniga doorashooyinka dalka, waxaana aaladda Zoom-ka uga qeyb galay qaar kamid ah safiirada Midowga Yurub.

- Advertisement -

Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Maxamad Nuur ayaa uga mahad celiyay taageerada Midowga Yurub uu lagarab taaganyahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed,

sidoo kale waxa wasiirku ku booriyay sii joogtaynta kaalmadaas, gaar ahaan taageerada dhanka amniga maadaama dowladu ay isu diyaarinayso in ay la wareegto mas’uuliyadda Amniga dalka dhammaadka Sanadka soo socda ee 2023-ka.

Dhankooda safiirada Midowga Yurub ayaa boggaadiyay habsami u socodka howlaha doorashooyinka iyaga oo u rajeeyay xukuumadda iyo Dowlad goboleedyada in ay kusoo dhammaystiraan howlaha doorashooyinka muddadii lagu heshiiyay.

- Advertisement -

Sidoo kale Safiirada ayaa boggaadiyay howlaha hay’adaha amniga, waxayna ballan qaadeen in ay sii wadayaan taageerada Dowladda iyo Shacabka,gaar ahaan arrinaha amniga.

Latest stories