HomeWararSoomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiisyo ku saabsan Arrimo dhowr ah

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiisyo ku saabsan Arrimo dhowr ah

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Safiirka Dowladda Qatar u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya kuna sugan Muqdisho Xasan Bin Xamza ayaa sheegay in dowladdaha Soomaaliya iyo Qatar ay kala saxiixdeen heshiisyo ku aadan dhinacyo kala duwan, xili Farmaajo uu ku sugan yahay Dooxa. Heshiisyada ay kala saxiideen labada Dal ayaa ku saabsan xoojinta xiriirka, Waxbarashada, maalgashiga, kahortaga lunsiga dhaqaale iyo cashuuraha, arrimaha […]

- Advertisement -

Safiirka Dowladda Qatar u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya kuna sugan Muqdisho Xasan Bin Xamza ayaa sheegay in dowladdaha Soomaaliya iyo Qatar ay kala saxiixdeen heshiisyo ku aadan dhinacyo kala duwan, xili Farmaajo uu ku sugan yahay Dooxa.

Heshiisyada ay kala saxiideen labada Dal ayaa ku saabsan xoojinta xiriirka, Waxbarashada, maalgashiga, kahortaga lunsiga dhaqaale iyo cashuuraha, arrimaha siyaasada, iyo qaybta duulista rayidka ah, sida uu Wakaalada Wararka Qatar u sheegay Safiir Xasan Bin Xamza.

- Advertisement -

Wuxuu halkiisa Safiirka intaas kusii daray in dowladda Qatar ay ku howlan tahay dhameystirka Mashruuca wadada isku xirta Muqdisho iyo Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle, isla markaana ay dardar-geliyaan mashruuca.

Heshiiskaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo shalay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan Dooxa uu kulan la qaatay Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad Al Thaani.

Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa isla gartay dhameystirka mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qatar ay ka waddo Soomaaliya iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha guud dalka, isu socodka badeecadaha iyo dadweynaha, horumarinta Waxbarashada Hoose/Dhexe ee Soomaaliya iyo dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida.

- Advertisement -

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Tamiim ayaa kulankooda ku lafa-guray arrimo dhowr ah oo ku saabsan aayaha iyo miro-dhalka xiriirka Labada dal iyo danaha wadajirka ah ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka Gobolka, si loo sii xoojiyo iskaashiga mugga weyn ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Latest stories