HomeWararQaali Cali Shire oo kusoo baxday Doorashada kursiga ugu adkaa ee Golaha...

Qaali Cali Shire oo kusoo baxday Doorashada kursiga ugu adkaa ee Golaha Shacabka

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa xalay ka dhacday doorashada kursi kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda, waxaana kursigaas doorashadiisa uu ahaa midkii ugu adkaa ee la qabtay. Doorashada kursiga tirsigiisu yahay #HOP060 oo sanadihii lasoo dhaafay ku fadhiday Ubax Tahliil Faarax ayaa waxaa ku tartamay afar Musharax haween ah, […]

- Advertisement -

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa xalay ka dhacday doorashada kursi kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda, waxaana kursigaas doorashadiisa uu ahaa midkii ugu adkaa ee la qabtay.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay #HOP060 oo sanadihii lasoo dhaafay ku fadhiday Ubax Tahliil Faarax ayaa waxaa ku tartamay afar Musharax haween ah, isla markaana doorashada oo adkeyd waxaa la isla aaday wareeg labaad oo loo baahday, si loo kala baxo.

- Advertisement -

Doorashada wareega 1-aad ayaa waxaa ku haray laba Musharax oo kala ahaa Hodan Cabdullaahi Shire oo heshay 17 Cod iyo Ayaan Xuseen Xasan oo heshay 8 Cod, waxaana wareega labaad u gudbay Ubax Tahliil Warsame oo heshay 44 Cod iyo Qaali Cali Shire oo heshay 32 Cod.

Kursiga tirsigiisu yahay #HOP060 ee Golaha Shacabka ayaa waxaa kusoo baxday oo ku guuleysatay Qaali Cali Shire oo heshay 61 Cod, halka Ubax Tahliil Warsame oo sanadihii lasoo dhaafay ku fadhiday kursiga ay heshay 40 Cod.

Gelinkii hore ee shalay subax ayaa lagu wady in la qabto doorshada kursigan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, balse dib ayey u dhacday saacado badan ka dib markii uu hareeyey muran ka dhashay ergada la soo xulay oo ka dhexeeyey Musharaxiinta qaar.

Latest stories