HomeWararMadaxtooyada Puntland oo War kasoo saartay Askartii ku geeriyootay Shilkii Maanta

Madaxtooyada Puntland oo War kasoo saartay Askartii ku geeriyootay Shilkii Maanta

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Madaxtooyada Puntland ayaa ka hadashay shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo Ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada gaarka ee Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ku galeen inta dhexeeysa Magaalooyinka Qardho iyo Garoowe. Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa waxaa lagu xaqiijiyey geerida Lix Askari oo ka tirsanaa Ciidanka ilaalada Madaxweynaha, kuwaasi oo ku dhintay Shil […]

- Advertisement -

Madaxtooyada Puntland ayaa ka hadashay shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo Ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada gaarka ee Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ku galeen inta dhexeeysa Magaalooyinka Qardho iyo Garoowe.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa waxaa lagu xaqiijiyey geerida Lix Askari oo ka tirsanaa Ciidanka ilaalada Madaxweynaha, kuwaasi oo ku dhintay Shil gaari, sidoo kalena ay jiraan 7 Askari kale oo dhaawac soo gaaray.

- Advertisement -

Madaxtooyada ayaa tacsi u dirtay Ciidamada Daraawiishta dowlad Puntland, waxaana Askarta geeriyootay kamid ahaa Kabtan Khadar cabdi Jalfis  iyo Shan Askari oo kale, kuwaasi oo kusii jeeday Magaalada Garoowe, balse gaari uu la rogmaday.

“Madaxtooyada Puntland waxay Ciidamada Daraawiishta Puntland uga ka tacsiyeynaysaa geerida 6-Askari oo maanta ku geeriyooday Shil Gaari oo ka dhacay inta u dhexeysa  Qardho iyo Garoowe. Alle Waxaan uga baraynaa in uu janadii geeyo inta geeriyootay, Kuwa dhaawacmayna uu alle u boogga dhayo, eheladii iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeena Alle samir iyo iimaan ha kasiiyo, Aamiin” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Ciidamada Ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta ka baxay Magaalada Boosaaso, iyagoona kusii jeeday Magaalada Garoowe, isla markaana waxaa ay hordhac u ahaayeen Safar Madaxweyne Deni ee uu Maanta ku tegayo Garoowe.

Latest stories