HomeWararKhilaaf xoogan oo soo kala dhex-galay Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa

Khilaaf xoogan oo soo kala dhex-galay Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa uu soo kala dhex-galay khilaaf xoogan. Khilaafka soo kala dhex galay Madaxda Hirshabeelle ayaa ku saabsan hannaanka loo marayo doorashada 11 kursi oo ka tirsan kuraasta Golaha Shacabka, kuwaasi […]

- Advertisement -

Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa uu soo kala dhex-galay khilaaf xoogan.

Khilaafka soo kala dhex galay Madaxda Hirshabeelle ayaa ku saabsan hannaanka loo marayo doorashada 11 kursi oo ka tirsan kuraasta Golaha Shacabka, kuwaasi oo Madaxweyne Guudlaawe dhowaan fasaxay in la furo, si loogu tartamo.

- Advertisement -

Ilo ku dhow dhow Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed ayaa xaqiijinaya inuu khilaafka uu durba saameeyay Guddiga doorashada Hirshabeelle oo la kala saftay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka.

Lama oga saameynta ay ku yeelan karto khilaafkan cusub doorashada kuraasta harsan ee Magaalada Beledweyne, iyadoo 8 cisho ay ka harsan tahay mudada 15 maalin ee loo qabtay in lagu soo gaba-gabeeyo doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad .

Guddiga doorashada SEIT ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa xalay shaaciyey inuu dib u dhac ku yimid Jadwalkii soo gudbinta Guddigu xulista ergada 11 kursi, sababo jira awgeed, iyagoona xusay inay dib kasoo shaacin doonaan Jadwal cusub oo doorasho.

Latest stories