HomeWararDib u dhac ku yimid Jadwalkii soo gudbinta Guddiga xulista ergada 11...

Dib u dhac ku yimid Jadwalkii soo gudbinta Guddiga xulista ergada 11 kursi + sababta

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Guddiga doorashada SEIT ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa shaaciyey inuu dib u dhac ku yimid Jadwalkii soo gudbinta Guddigu xulista ergada 11 kursi oo kamid ah kuraasta  Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Baladweyne. Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa waxaa dhammaan daneeyaasha Doorashada lagu Ogeysiiyey in dib u dhac […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddiga doorashada SEIT ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa shaaciyey inuu dib u dhac ku yimid Jadwalkii soo gudbinta Guddigu xulista ergada 11 kursi oo kamid ah kuraasta  Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Baladweyne.

Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa waxaa dhammaan daneeyaasha Doorashada lagu Ogeysiiyey in dib u dhac uu ku yimid Jadwalkii soo gudbinta Guddigu Xulista ergada, sababo farsamo awgeed.

- Advertisement -

Sidoo kale Guddiga ayaa tilmaamay inay dib kasoo shaacin doonaan Jadwal kale oo ku aadan soo gudbinta Guddigu xulista ergada 11 kursi oo kamid ah kuraasta  Golaha Shacabka, kuwaasi oo doorashadooda lagu waday inay dhacdo maalinta berri Magaalada Baladweyne.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in xiisad ay ka taagan tahay kuraasta qaarkood ee Guddiga soo saaray, isla markaana la sheegay in kuraasta qaar loo xiray xubno Musharaxiin ah, taasina ay keentay inuu dib u dhac ku yimaado Jadwalka lasoo saaray.

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa lagu doortay Xildhibaano dhowr ah oo kamid noqday Golaha Shacabka, sidoo kalena weli ay ku harsan yihiin Xildhibaano kale oo deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Baladweyne.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts