HomeWararShariif Xasan oo shaaciyay sababta rasmiga ah ee looga joojiyay Safarkiisii Baydhaba

Shariif Xasan oo shaaciyay sababta rasmiga ah ee looga joojiyay Safarkiisii Baydhaba

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynihii hore ee Koofur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa ka hadlay is hor istaag saaka lagu sameeyay safar uu ugu amba-bixi lahaa magaalada baydhabo ee xarunta ku meel gaarka u ah Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed. Shariif Xasan oo Shir jiraa’id ku qabtay muqdisho ayaa sheegay shalay uu doonaay in uu Muqdisho ka bixitimo, […]

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Koofur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa ka hadlay is hor istaag saaka lagu sameeyay safar uu ugu amba-bixi lahaa magaalada baydhabo ee xarunta ku meel gaarka u ah Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.

Shariif Xasan oo Shir jiraa’id ku qabtay muqdisho ayaa sheegay shalay uu doonaay in uu Muqdisho ka bixitimo, balse laga hor istaagay, mar kale ayuu saaka isku dayay inuu safro balse waa loo diiday sida uu Maanta Warbaahinta u sheegay.

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed ayaa intaa kud aray in Madaxweynaha Maamulkaasi Cabdi Casiis Xasan Lafta-gareen uu mas’uul ka yahay is hor istaagga lagu sameeyay,  kaasi oo uu ku sheegay in uu ahaa mid sharci darro ah.

Shariif Xasan ayaa sidoo kale lafta-gareen ku eedeyay in uu diyaariyay Ergooyin been abuur ah oo aan hayn kuwii dooran lahaa kursiga uu doonayay, waxaana uu sheegay in boob lagu hayo doorshada, maaddama sida uu sheegay beeshiisu ay isaga la doonayso Kursiga.

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan maxamed Lafta-gareen ayaa horay loogu eedeeyay in uu siyaasiyiin saameyn ku lahaa Koofur galbeed uu ka reebay inay ka mid noqdaan Baarlamaanka Dowalad Goboleedka Koofur galbeed.

- Advertisement -

Mas’uuliyiinta kale ee  horay, looga hor istaagay in ay Baydhabo tagaan waxaa ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeenkii 1aad ee Baarlamaankii 10aad, waxaana sidoo kale jira Xildhibaanno kale oo muddo dheer ka mid ahaa baarlamaanka Soomaaliya oo iyagana laga reebay tartanka loogu jiro kuraasta Golaha shacabka.

Latest stories