HomeWararMalleyshiyaad diidan in kursiga Hope30 loo xiro Xil. Jeesow oo Baladweyne gadood...

Malleyshiyaad diidan in kursiga Hope30 loo xiro Xil. Jeesow oo Baladweyne gadood ka samameeyay

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Mallayshiyaad caraysan oo oo kasoo horjeeda in Kursi ka mid ah Golaha Shacabka loo xiro Musharax gaar ah ayaa xalay gadood ka sameeyay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Xalay ayaa gudaha Magaalada lagu arkay Ciidamo aad u hubaysan, kuwaasi oo qarkood ay warbaahinta la hadleen, waxaana ay sheegeen in ay caabsho ka yihiin kursiga […]

- Advertisement -

Mallayshiyaad caraysan oo oo kasoo horjeeda in Kursi ka mid ah Golaha Shacabka loo xiro Musharax gaar ah ayaa xalay gadood ka sameeyay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Xalay ayaa gudaha Magaalada lagu arkay Ciidamo aad u hubaysan, kuwaasi oo qarkood ay warbaahinta la hadleen, waxaana ay sheegeen in ay caabsho ka yihiin kursiga Hope30 oo loo xiray sida ay sheegeen Xildhibaan Daahir Amiin jeesow, kaasi in muddo ah ku fadhiyay Kursiga.

- Advertisement -

Waxaa ay eed u jeediyeen Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Kuxigeenkiisa Yuusuf Dabageed, iyagoo sheegay in kursigaaas lala doonayo in mar kale uu daahir Amiin jeesow ku fariisto, taasi oo ay sheegen in aysan u dulqaadan doonin.

Dhanka kale Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Kuxigeenkiisa Yuusuf Dabageed ayaa xalay Magaalada baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kula kulmay Qaar ka mid ah Musharixiin u taagan kuraas Golaha shacabka ah oo deegaan doorashoodu ay tahay Hirshabeelle.

Waxaana Kulanka Xalay ka dhacay baladweye la isku afgartay in Ciidamada faraha badan  laga dulqaado magaalada, sidoo kale waxaa la go’aamiyay sida aynu xog hoose ku helnay in aan kursi dambe loo xirin doonin musharax gaar ah.

- Advertisement -

 

 

Latest stories