HomeWararDowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay sara u kaca ku yimid...

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay sara u kaca ku yimid Shidaalka

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka duuleysa Waajibaadka Shaqo Ee Wasaaradda ee ku aadan ilaalinta Tayada Shidaalka iyo Hubinta qiimaha Shidaalka ee Suuqyada Caalamka, iyo jaan-goynta qiimaha Shidaalka soo gala Dalkeenna , iyo dhiira-galinta Ganacsatada keenta Shidaalka nuucyadiisa kala duwan ayaa si dhaw ula socota isbadalka ku yimid qiimaha Shidaalka ee Caalamka. […]

- Advertisement -

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka duuleysa Waajibaadka Shaqo Ee Wasaaradda ee ku aadan ilaalinta Tayada Shidaalka iyo Hubinta qiimaha Shidaalka ee Suuqyada Caalamka, iyo jaan-goynta qiimaha Shidaalka soo gala Dalkeenna , iyo dhiira-galinta Ganacsatada keenta Shidaalka nuucyadiisa kala duwan ayaa si dhaw ula socota isbadalka ku yimid qiimaha Shidaalka ee Caalamka.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta JFS waxay dadaal galin doontaa la socodka isbadalka iyo qiimo kororka ka jira suuqyadda Caalamiga ah ee uu sababay Dagaalka u dhexeeya Ruusha iyo Ukraine.

- Advertisement -

Waxaanna ganacsatada Soomaaliyeed ee keenta Shiidaalka Wasaaraddu fareysaa in Dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala Shidaalka gaar ahaan gaadiidleyda, Shirkadaha Korontada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ay si naxariis leh oo ay ku jirto dal jaceyl iyo damqasho ay ula macaamilaan.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta JFS waxay ka rajeynsaa Ganacsatada Soomaaliyeed in baaqa Wasaaradda ay u hoggaansamaan, sidoo kale Wasaaradda Waxay kala shaqeyn-doontaa Horumarinta adeegyadda ay bulshada u hayaan si aan ugu baaqsanno Sare u kac iyo koror ku yimaada qiimaha Shidaalka.

Ugu dambeyntii Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta JFS Waxay ugu baaqeysaa Ganacsatada Soo-dejisa Shidaalka iyo Keydka in kulan deg deg ah oo looga arinsanaayo, arimaha taagan ay isugu yimaadaan. Waxaan rajeynaa in aan wadajir ugu shaqeyn-doonna danta guud iyo u adeegidda shacabka.

- Advertisement -

Latest stories