HomeWararCali Guudlaawe oo kulan la qaatay Musharixiinta 11 kursi oo Golaha Shacabka...

Cali Guudlaawe oo kulan la qaatay Musharixiinta 11 kursi oo Golaha Shacabka ah

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Kuxigeenkiisa Yuusuf Dabageed ayaa xalay Magaalada baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kula kulmay Qaar ka mid ah Musharixiin u taagan kuraas Golaha shacabka ah oo deegaan doorashoodu ay tahay Hirshabeelle. Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay sida wararku tilmaamayaan Musharixiiin gaaraya ilaa 50 murashax, oo u taagan […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Kuxigeenkiisa Yuusuf Dabageed ayaa xalay Magaalada baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kula kulmay Qaar ka mid ah Musharixiin u taagan kuraas Golaha shacabka ah oo deegaan doorashoodu ay tahay Hirshabeelle.

Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay sida wararku tilmaamayaan Musharixiiin gaaraya ilaa 50 murashax, oo u taagan kuraaska ka tirsan Golaha Shacabka.

- Advertisement -

Kulanka ayaa sida la sheegay lusoo dhamaaday is afgarad, iyadoo dhinacyadu ay isku raaceen in Xaaladda la dejiyo oo kuraasta si daahfuran loogu tartamo, maaddaama xiisad ay ka dhalatay kuraas la sheegay in Musharixiinta qaar loo xiray.

Maaalmihii u dambeeyay Ciidamo iyo hub fara badan ay hareeyay magaalada, waxaana Xalay Magaalada ka dhacay iska hor imaad kooban sida wararku sheegayan, kaasi oo salka ku haya muran iyo is-qabqabsi ka dhashay mid ka mid ah Kuraasta Golaha Shacabka oo shaqsi loo xiray.

Kulanka Xalay ka dhacay baladweye ee u dhaxeeyay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen, Kuxigeenkiisa Yuusuf Dabageed iyo Musharixiinta ayaa sidoo kale la isku afgartay in Ciidamada faraha badan  laga dulqaado magaalada, sidoo akle waxaa la go’aamiyay sida aynu xog hoose ku helnay in aan kursi dambe loo xirin doonin musharax gaar ah.

- Advertisement -

 

Latest stories