HomeWararTaliyihii hore ee Ciidanka Booliska Dowladda oo loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka

Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Dowladda oo loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Waxaa Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ka bilaabatay doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay dowlad Goboleedka Puntland gaar ahaan Boosaaso. Doorashada oo ka socota Teendho ku dhex taalla gudaha Garoonka Boosaaso ayaa waxaa kusoo baxay Xildhibaano dhowr ah oo la doortay, waxaana Xildhibaanada […]

- Advertisement -

Waxaa Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ka bilaabatay doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay dowlad Goboleedka Puntland gaar ahaan Boosaaso.

Doorashada oo ka socota Teendho ku dhex taalla gudaha Garoonka Boosaaso ayaa waxaa kusoo baxay Xildhibaano dhowr ah oo la doortay, waxaana Xildhibaanada la doortay kamid ah Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed Maxamuud.

- Advertisement -

Jeneraal Bashiir Cabdi Ameeriko ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop273, isla markaana waxaa loogu coddeeyay qaab gacan taag ah, kadib markii doorashada tartankeeda ay ka tanaasushay Sahro Maxamed Maxamuud oo la tartami laheyd Bashiir.

Taliyihii hore ee Ciidanka Jeneraal Bashiir Ameeriko oo la hadlay warbaahinta ayaa u mahadceliyay ergada dooratay iyo Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Puntland, isagoo xusay inuu ku faraxsan yahay inuu kamid noqday Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Doorashada kuraasta Golaha Shacabka ayaa weli ka socota Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, waxaana Maanta oo sabti ah lagu doonayaa Magaaladaas inta badan kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Magaaladaas.

Latest stories