HomeWararSawirro:-Farmaajo oo gaaray Magaalada Dooxa iyo soo dhaweyn loo sameeyay

Sawirro:-Farmaajo oo gaaray Magaalada Dooxa iyo soo dhaweyn loo sameeyay

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qadar halkaas oo uu ku tagay safar shaqo oo labo maalmood ah. Madaxweynaha oo martiqaad ka helay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani ayaa kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii […]

- Advertisement -

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qadar halkaas oo uu ku tagay safar shaqo oo labo maalmood ah.

Madaxweynaha oo martiqaad ka helay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani ayaa kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ay u sii ballaarin lahaayeen iskaashiga miro-dhalka ah ee dhinacyada maalgashiga, diblumaasiyadda iyo horumarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha.

- Advertisement -

“Safarka Madaxweynuhu waxa uu daba socodaa kulamadii hore ee ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qatar, waana mid lagu adkeynayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ee miro dhalka ah ee labada dal. Qatar waa dal kaalin mug leh ka qaata dib u dhiska Soomaaliya.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha.

Agaasime Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa xusay muhiimadda Booqashada Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay u  leedahay mustaqbalka iskaashiga dowladdaha Soomaaliya iyo Qatar.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Amiir Tamiim ayaa waxaa ay ka wadahadli doonaan xaaladihii ugu dambeeyay ee Gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah.

- Advertisement -

Latest stories