HomeWararMaamulka Garbahaareey oo ka horyimid Guddiga qiimeynta ee uu magacaabay RW Rooble

Maamulka Garbahaareey oo ka horyimid Guddiga qiimeynta ee uu magacaabay RW Rooble

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Gudoomiyaha Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo Xasan Sheekh ayaa ka hadlay xaaladda Magaaladaas iyo doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda, ee taalla Magaalada Garbahaareey. Guddoomiye Xasan Sheekh oo shir Jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa u sheegay in xaaladda amniga ee Magaalada ee tahay mid wanaagsan, isla markaana lagu qaban karo kuraasta doorashada […]

- Advertisement -

Gudoomiyaha Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo Xasan Sheekh ayaa ka hadlay xaaladda Magaaladaas iyo doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda, ee taalla Magaalada Garbahaareey.

Guddoomiye Xasan Sheekh oo shir Jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa u sheegay in xaaladda amniga ee Magaalada ee tahay mid wanaagsan, isla markaana lagu qaban karo kuraasta doorashada Golaha Shacabka ee taalla Magaaladaas oo ah deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

- Advertisement -

Wuxuu tilmaamay Guddoomiyaha inay raaceen habraacyadii hore ee soo saaray ee ku aadanaa doorashada dalka ka socota oo ku jirtay in Magaalada Garbahaareey lagu qabto doorashada kuraasta, isagoo xusay in horey Guddiyo qiimeyn ah loogu soo diray.

Sidoo kale Guddoomiye Xasan Sheekh ayaa Carabka ku dhuftay in Magaalada aysan imaan karin Guddi aan ka aheyn Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo kuwa Xallinta Khilaafaadka, ayna kasoo horjeedan Guddiga qiimeynta ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayuu ugu baaqay in uusan faragelin ku sameeyn kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Garbahaareey, wuxuuna Beesha Caalamka ugu baaqay inay korjoogte ka noqdaan doorashada, isla markaana amniga uu yahay mid wanaagsan.

Latest stories