HomeWararGuddiyada Doorashada K/Galbeed iyo Galmudug oo shaaciyay Jadwalka Doorasho

Guddiyada Doorashada K/Galbeed iyo Galmudug oo shaaciyay Jadwalka Doorasho

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Guddiyada doorashooyinka dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa shaaciyay Jadwalka doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay labada maamul. Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay inay qabanayaan doorashada lix kursi, waxaana diiwaan-gelinta Musharaxiinta dooneysa tartanka kuraastaas ay bilaabaneysaa 8-da bishaan […]

- Advertisement -

Guddiyada doorashooyinka dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa shaaciyay Jadwalka doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay labada maamul.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay inay qabanayaan doorashada lix kursi, waxaana diiwaan-gelinta Musharaxiinta dooneysa tartanka kuraastaas ay bilaabaneysaa 8-da bishaan Maarso 2022.

- Advertisement -

Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in doorashada lixda kursi ee Golaha Shacabka la qaban doono 9-ka bishaan, iyadoona doorashada ay ka dhaceyso Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay ahna Caasimadda KMG ah ee Maamulkaas.

Sidoo kale Guddiga doorashada Maamulka Galmudug ayaa dhankooda xalay soo saaray Jadwalka doorashada shan kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga ayaa sheegay in doorashada kuraasta la qabanayo 6-da bishaan Maarso 2022 oo ku beegsan maalinta berri oo Axad ah, isla markaana waxaa doorashadaas lagu qabanayaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

- Advertisement -

Jadwalka Doorashada Koonfur Galbeed 

Jadwalka Doorashada Galmudug 

Latest stories