HomeWararFarmaajo oo Maanta ku wajahan Magaalada Dooxa iyo Qatar oo War kasoo...

Farmaajo oo Maanta ku wajahan Magaalada Dooxa iyo Qatar oo War kasoo saartay safarkiisa

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo sabti ah waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qatar, sida uu qorshahu yahay. Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Dooxa ayaa waxaa shaacisay Wakaalada Wararka Qatar oo sheegtay in Maanta oo bisha ay tahay 5 Maarso uu Farmaajo […]

- Advertisement -

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo sabti ah waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qatar, sida uu qorshahu yahay.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Dooxa ayaa waxaa shaacisay Wakaalada Wararka Qatar oo sheegtay in Maanta oo bisha ay tahay 5 Maarso uu Farmaajo booqasho ku tegayo Magaalada Dooxa, isagoo la kulmaya Amiirka dalkaas iyo xubno kale.

- Advertisement -

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan weli wax war ah kasoo saarin socdaalka Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee uu ku tegayo Qatar, waxaana Madaxweynaha uu saacadaha soo socda ee Maanta uu ka dhoofi doonaa Garoonka Aadan Cadde.

Maxamed Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qatar waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Amiirka dalkaas iyo Madax kale, iyagoona ka wada hadli doona xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal.

Farmaajo ayaa sidoo kale Madaxda Xukuumadda Dooxa kala hadli doona dardar-gelinta taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Arrimo kale oo qorsheysan, waxaana Qatar ay kamid tahay dowladdaha sida dhow xiriirka ula leh Farmaajo.

Latest stories