HomeWararFarmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay Dooxa iyo ujeedka safarkiisa

Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay Dooxa iyo ujeedka safarkiisa

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhowayd safar shaqo oo labo maalmood qaadanaya ugu ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Dooxa ayaa waxaa ku wehlinaya Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo xubno kale oo kamid ah Madaxtooyada, kuwaasi oo ka dhoofay Garoonka diyaaradaha […]

- Advertisement -

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhowayd safar shaqo oo labo maalmood qaadanaya ugu ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Dooxa ayaa waxaa ku wehlinaya Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo xubno kale oo kamid ah Madaxtooyada, kuwaasi oo ka dhoofay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Madaxweynaha iyo Amiirka Dowladda Qadar Tamim bin Hamad Al Thani ayaa halkaas ku yeelan doona wada hadallo lagu gorfaynayo xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo horumarinta iskaashiga ku qotoma is-ixtiraamka, wax wada qabsiga.

Sidoo kale Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi iyo Amiirka dalka Qatar ayaa ka arrinsan doona horumarinta danaha qaran ee labada dowladood ee Soomaaliya iyo Qatar iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Dowladda Qatar ayaa kamid ah dowladdaha xiriirka dhow la leh Madaxda talada dalka heysa oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxaana Farmaajo uu dhowr jeer socdaalo kala duwan ku tegay magaalada Dooxa Caasimadda ee dalka Qatar.

Latest stories