HomeWararDal hor leh oo DF ka ballan qaaday soo dhaweynta Soomaalida ka...

Dal hor leh oo DF ka ballan qaaday soo dhaweynta Soomaalida ka carartay Dagaalka Ukraine

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa wadahadal khadka teleefoonka ah kula yeeshay dhiggiisa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Serbiya, Nikola Selaković. Wasiir Cabdisaciid ayaa sheegay in uu si dhow ula socdo xaaladda ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan xuduudda Ukraine, lana hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Seerbiya, Nikola Selaković, kuwaasi oo […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa wadahadal khadka teleefoonka ah kula yeeshay dhiggiisa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Serbiya, Nikola Selaković.

Wasiir Cabdisaciid ayaa sheegay in uu si dhow ula socdo xaaladda ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan xuduudda Ukraine, lana hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Seerbiya, Nikola Selaković, kuwaasi oo kasoo barakacay dagaalada Ukraine.

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Serbiya ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya u ballan qaaday inay soo dhaweyn doonaan Ardayda Soomaaliyeed ee soo qaxay, si waxbarashadooda uga sii wataan dalka Seerbiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa xusay inay isku fahmeen isaga iyo dhiggiisa Seerbiya horumarinta xiriirka laba geesoodka ee muddada dheer jiray iyo in si dhow looga wada shaqeeyo howlaha dano wadaagga.

Wasiir Cabdisaciid Muuse ayaa dhiggiisa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Serbiya, Nikola Selaković uga mahadceliyay taageeradiisa iyo iskaashigiisa.

Latest stories