HomeWararMadaxweynaha Puntland oo xil cusub u magacaabay Agaasimihii Ciidanka PSF Diyaano

Madaxweynaha Puntland oo xil cusub u magacaabay Agaasimihii Ciidanka PSF Diyaano

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xil cusub u magacaabay Agaasimihii hore ee Ciidanka PSF Maxamuud Cismaan Diyaano oo uu horey xilka qaadis ugu sameeyay, ayna tallaabadaas ka dhalatay xiisad isku bedeshay dagaal. Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Deni wax yar kahor aadaanka hore ee Salaada subax ee saaka ayaa waxaa uu Maxamuud […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xil cusub u magacaabay Agaasimihii hore ee Ciidanka PSF Maxamuud Cismaan Diyaano oo uu horey xilka qaadis ugu sameeyay, ayna tallaabadaas ka dhalatay xiisad isku bedeshay dagaal.

Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Deni wax yar kahor aadaanka hore ee Salaada subax ee saaka ayaa waxaa uu Maxamuud Cismaan Diyaano ugu magacaabay inuu noqdo Ciidanka Kommandooska Amniga Puntland (Puntland Security Commando Forces).

- Advertisement -

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa /Guuto Maxamed Aamiin Cabdullaahi Xaaji Khayr u magacaabay Agaasimaha Ciidanka gaarka ah ee Sirdoonka Puntland (Puntland Intelligence Special Forces), iyadoona magaca laga bedelay PSF, lagana dhigay PISF.

Xiisad ayaa ka dhalatay xilka qaadistii uu Madaxweyne Saciid Deni ku sameeyay kal hore Agaasimihii Ciidanka PSF Maxamuud Cismaan Diyaano, waxaana xiisada markii dambe isku bedeshay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

Hoos ka Akhriso Wareegtada uu soo saaray Madaxweyne Deni.

- Advertisement -

Madaxweynaha Puntland  Saciid Cabdullaahi Deni.

Kadib markii uu qiimeeyey xaaladda amni iyo dhaqan dhaqaale ee Magaalada Boosaaso.

Kadib markii uu la tashaday Madaxweyne kuxigeenka Puntland.

Kadib markii uu la tashiyo la sameeyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, Isimada, Madaxweynayaashii hore, Waxgaradka iyo hay’adaha kala duwan ee Puntland.

Kadib markii uu tixgaliyey dadaaladdii kala duwanaa ee muddada ka socday Magaalada Boosaaso ee ku wajahnaa xal u helista shaqaaqadii ka dhacday Magaalada.

Madaxweynaha Puntland ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 009 , 04 March 2022, wuxuuna xeeriyay:-

1-Waxaa S/Guuto Maxamed Aamiin Cabdullaahi Xaaji Khayr loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka gaarka ah ee Sirdoonka Puntland (Puntland Intelligence Special Forces).

2-Waxaa S/Guuto Maxamuud Cismaan Cabdullaahi loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka Kommandooska Amniga Puntland (Puntland Security Commando Forces).

Si waafaqsan xeerarka iyo shuruucda Dalka u dagsan, dib ayaa laga soo saarayaa xeer nidaamiye qeexiya kala xadeynta waajibaadka guud ahaan ciidamada kala duwan ee Puntland.

*Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Latest stories