HomeWararXiisad Dagaal oo Maanta ka taagan Degmada Raage-ceelle ee Shabeellaha Dhexe

Xiisad Dagaal oo Maanta ka taagan Degmada Raage-ceelle ee Shabeellaha Dhexe

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Wararka aan ka heleyno degmada Raage-ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in xiisad u dhexeeysa Ciidanka Maamulka degmadaas iyo rag hubeysan oo maleeshiyaad ah ay Maanta ka taagan tahay Raage-ceelle. Xiisadaan ayaa daba socota iska horimaad sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo shalay Raage-ceelle ku dhexmaray Ciidamo taabacsan Guddoomiyaha degmadaas iyo ragga […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno degmada Raage-ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in xiisad u dhexeeysa Ciidanka Maamulka degmadaas iyo rag hubeysan oo maleeshiyaad ah ay Maanta ka taagan tahay Raage-ceelle.

Xiisadaan ayaa daba socota iska horimaad sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo shalay Raage-ceelle ku dhexmaray Ciidamo taabacsan Guddoomiyaha degmadaas iyo ragga hubeysan ee maleeshiyaad ah, waxaana halkaas ku dhintay laba ruux.

- Advertisement -

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in xiisadan ay salka ku heyso muran ka dhashay lacago laga qaado gaadiidka safarka ah ee mara Raage-ceelle, iyadoona la tilmaamay in maleeshiyaadka ay dalbadeen in wax laga siiyo lacagtaas, balse uu Maamulka ka diiday.

Xiisada u dhaxeyso labada dhinac ayaa wali ka taagan  gudaha degmada, waxaana laga cabsi qabaa in markale uu halkaas ka dhaco dagaal khasaara geysta oo dhexmaray Ciidanka dowladda ee Maamulka degmada iyo maleeshiyaadka hubeysan.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Gobolka iyo Waxgaradka degmadaas oo ku aadan xiisada iyo dagaalkii shalay halkaas ka dhacay ee khasaaraha dhaliyey, sidoo kalena Maamulka Gobolka ayaa ilaa iyo hadda kasoo hadlin falkaas.

Latest stories