HomeCaalamkaTirada Dadka ku barakacay Dagaalada ka socda Ukraine oo kor u dhaaftay...

Tirada Dadka ku barakacay Dagaalada ka socda Ukraine oo kor u dhaaftay 1 Milyan

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Iyadoo Ruushku uu sii wado duqeymaha ay ku hayaan magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine ee Kharkiv, isla markaana ay go’doomiyeen labo dekedood oo istiraatiiji ah ayaa Qaramada Midoobay waxa ay khamiista maanta ah sheegtay in inka badan 1 milyan oo qof ay ka qaxeen Ukraine kadib duullaankii Ruushka. Tirada guud ee hay’adda qaxootiga ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Iyadoo Ruushku uu sii wado duqeymaha ay ku hayaan magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine ee Kharkiv, isla markaana ay go’doomiyeen labo dekedood oo istiraatiiji ah ayaa Qaramada Midoobay waxa ay khamiista maanta ah sheegtay in inka badan 1 milyan oo qof ay ka qaxeen Ukraine kadib duullaankii Ruushka.

Tirada guud ee hay’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay oo ay sii deysay wakaaladda wararka ee Associated Press Arbacadii ayaa timaameysa in inka badan 2% dadka Ukraine lagu khasbay inay dalka ka baxaan wax ka yar toddobaad.

- Advertisement -

Qaramada Midoobay ayaa barakaca Ukraine ku tilmaantay qaxootigii ugu dhaqsaha badnaa qarniga.

Daadgureyn xowliga ah ayaa ka socota magaalada Kharkiv, halkaas oo dadka deggan ay quus ka taagan yihiin inay ka baxsadaan madaafiicda kusoo dhacaysa iyo duqeymaha buux dhaafiyay saldhigga tareenada ee magaalada.

Habeennimadii xalay, weriyeyaasha AP ee magaalada caasimadda ah ee Kyiv ayaa maqlay ugu yaraan hal qarax. Ilaa hadda ma cadda bartilmaameedyada qaraxyadaas.

- Advertisement -

Bayaan ka soo baxay taliska guud ee ciidamada qalabka sida ee Ukraine ayaan looga hadlin weerarada cusub, iyagoo sheegay oo kaliya in ciidamada Ruushka ay “isku soo ururinayaan” ayna “isku dayayaan inay gaaraan duleedka waqooyi” ee magaalada Kyiv.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts