HomeWararLafta-gareen oo Guddoomiye cusub u magacaabay Gobolka Shabeellaha Hoose

Lafta-gareen oo Guddoomiye cusub u magacaabay Gobolka Shabeellaha Hoose

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Guddoomiye cusub u magacaabay Gobolka Shabeellaha Hoose, isagoo xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolkaas. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha cusub ee Shabeellaha Hoose loogu magacaabay inuu noqdo Ibraahim Aadan Cali Najax, isagoo bedelaya Guddoomiyihii hore ee […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Guddoomiye cusub u magacaabay Gobolka Shabeellaha Hoose, isagoo xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolkaas.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha cusub ee Shabeellaha Hoose loogu magacaabay inuu noqdo Ibraahim Aadan Cali Najax, isagoo bedelaya Guddoomiyihii hore ee Gobolkaas Maxamed Cabdiraxiin Nuur,.

- Advertisement -

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa faray laamaha amniga Gobolka inay la shaqeeyaan Guddoomiyaha cusub ee Gobolka la magacaabay, waana markii saddexaad ee Guddoomiyaha Shabeellaha Hoose loo magacaabay Ibraahim Najax .

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa 1-da bishii Octoober 2021 Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose u magacaabay Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii, wuxuuna xiligaas xilka ka qaaday Guddoomiye Najax, isagoona mar kale xalay u magacaabay Gobolkaas.

Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa dhowr jeer waxaa lag sameeyay isbedel, waxaana Gobolkaas  uu yahay Gobolka ugu amniga xun Gobolada  Maamulka Koonfur Galbeed, iyadoona inta badan ay ka dhacaan dagaalo iyo Qaraxyo lala beegsado Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Latest stories