HomeCaalamkaWararkii ugu dambeeyay Duullaanka Ciidamada Ruushka ku qaadeen dalka Ukraine

Wararkii ugu dambeeyay Duullaanka Ciidamada Ruushka ku qaadeen dalka Ukraine

Date:

Related stories

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhintay 112 kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeymo 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay magaalada Kharkiv ee bariga Ukraine, sida uu Arbacadii sheegay guddoomiyaha gobolka Oleg Synegubov. Maamulka magaaladan ayaa sheegay in gantaalaha Ruushka ay ku dhaceen bartamaha magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine, oo ay ku […]

- Advertisement -

Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhintay 112 kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeymo 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay magaalada Kharkiv ee bariga Ukraine, sida uu Arbacadii sheegay guddoomiyaha gobolka Oleg Synegubov.

Maamulka magaaladan ayaa sheegay in gantaalaha Ruushka ay ku dhaceen bartamaha magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine, oo ay ku jiraan xaafado la deggan yahay iyo xarunta maamulka gobolka.

- Advertisement -

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa qortay ciidamada cirka ee Ruushka ayaa ka degeen magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine ee Kharkiv ee bariga dalkaas, waxaana imaanshaha ciidamada Ruushku ay keentay isku dhac markiibiiba jidadka magaalada ku dhexmaray shacabka oo kaashanaya ciidanka booliska iyo ciidanka Ruushka.

Ruushka ayaa sidoo kale xalay ka geystay caasimadda Ukraine ee Kyiv duqeymo culus oo cirka ah, waxaana tan iyo markii uu billowda duullaanka Ruushka muddo toddobaad ah ay Mosccow isku dayeysaa inay qabsato magaalada Kyiv.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin ku tilmaamay “kaligii taliye” xilli uu xalay jeedinayay khudbaddiisa sanadlaha ah ee State of the Union, toddobaad kadib markii Moscow ay weerartay Ukraine.

Latest stories