HomeWararWafdi ka socday Guddiga uu RW Rooble u magacaabay Arrinta Garbahaareey oo...

Wafdi ka socday Guddiga uu RW Rooble u magacaabay Arrinta Garbahaareey oo gaaray Kismaayo

Date:

Related stories

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG  ah ee Maamulka Jubbaland ayaa Maanta waxaa gaaray Guddigii uu Ra’iisul Wasaare Rooble u magacaabay soo qiimeynta xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubbaland Magaalada Garbahaareey. Guddigaan oo uu hoggaaminayey Guddoomiyahooda Cumar Maxamed Cabdulle Dhageey ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay Guddiga hirgalinta doorashooyinka SEIT Jubbaland iyo Wasiiro ka tirsan […]

- Advertisement -

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG  ah ee Maamulka Jubbaland ayaa Maanta waxaa gaaray Guddigii uu Ra’iisul Wasaare Rooble u magacaabay soo qiimeynta xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubbaland Magaalada Garbahaareey.

Guddigaan oo uu hoggaaminayey Guddoomiyahooda Cumar Maxamed Cabdulle Dhageey ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay Guddiga hirgalinta doorashooyinka SEIT Jubbaland iyo Wasiiro ka tirsan Maamulkaas.

- Advertisement -

Guddiga oo ay ka dhiman yihiin xubno kale oo kamid ah Guddiga uu magacaabay Ra’isul Wasaaraha ayaa lagu wadaa in xubnaha ka dhiman ay tegaan Kismaayo maalinka barrito ah, iyagoo kadib amba qaadi doona howlaha horyaala ee loo igmaday.

Guddigaan oo ka kooban 7-xubnood ayaa soo qiimeyn doona sidii doorashada Golaha Shacabka uga dhici laheyd deegaan doorashada labaad ee Jubbaland ee Magaalada  Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo, halkaas oo ay taallo 16 kursi.

Sida uu qorshahu yahay Guddiga ayaa waxaa lagu wadaa inay tagaan Garbahaarey, isla markaana ay kulamo kala duwan la yeeshaan Odayaasha dhaqanka, Maamulka iyo Waxgaradka, iyagoona soo qiimeyn doona xaaladda amni ee Magaaladaas.

Latest stories