HomeCaalamkaMidowga Yurub oo u Jawaabay Wiilka MW Afrikaan ah oo taageeray Duullaanka...

Midowga Yurub oo u Jawaabay Wiilka MW Afrikaan ah oo taageeray Duullaanka Ruushka

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Midowga Yurub ayaa cambaareeyay wiilka Museveni oo taageero u muujiyay duulaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine. Ku xigeenka wafdiga Midowga Yurub oo ku sugan dalka South Sudan ayaa ku tilmaamay hadalka wiilka Museveni mid “aan la aqbali karin” Dionyz Hochel wuxuu sheegay in Uganda ay wajahi doonto cawaaqib xumo waa haddii si bareer ah ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Midowga Yurub ayaa cambaareeyay wiilka Museveni oo taageero u muujiyay duulaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.

Ku xigeenka wafdiga Midowga Yurub oo ku sugan dalka South Sudan ayaa ku tilmaamay hadalka wiilka Museveni mid “aan la aqbali karin”

- Advertisement -

Dionyz Hochel wuxuu sheegay in Uganda ay wajahi doonto cawaaqib xumo waa haddii si bareer ah ay u taageereyso duulaanka Ruushka ee Ukraine.

Sarreeye Guud Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraalka “”Markii uu Midowgii Soofiyeet gantaalladiisa nukliyeerka geeyay Cuba 1962, Reer Galbeedku waxa ay diyaar u ahaayeen inay dagaal lagu hoobto. Hadda marka ay NATO samaysay arrintaas oo kale, ma waxaa Ruushka laga filayaa inuu si kale u xalliyo arrinto?”

Jananka oo hogaamiya qeyb ka tirsan ciidamada Uganda ayaa shaley tilmaamay in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu ku saxan yahay duullaanka, isla markaana “dadka intooda badan (ee aan Caddaanka ahayn) ay taageersan yihiin duullaanka Ruushka ee Ukraine”.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts