HomeWararKulankii Madaxweynaha Puntland iyo Agaasime Diyaano oo is-faham la’aan kusoo Idlaaday

Kulankii Madaxweynaha Puntland iyo Agaasime Diyaano oo is-faham la’aan kusoo Idlaaday

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya inuu Is-faham la’aan kusoo dhammaaday kulankii dhexmaray Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Agaasimihii xilka qaadista lagu sameeyay ee PSF Maxamuud Cismaan Diyaano. Kulanka oo ahaa mid albaabada u xirnaayeen ayaa waxaa la sheegay in la isku fahmi waayay qodobadii looga hadlaayay, isla markaana […]

- Advertisement -

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya inuu Is-faham la’aan kusoo dhammaaday kulankii dhexmaray Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Agaasimihii xilka qaadista lagu sameeyay ee PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.

Kulanka oo ahaa mid albaabada u xirnaayeen ayaa waxaa la sheegay in la isku fahmi waayay qodobadii looga hadlaayay, isla markaana lagu kala tegay, iyada oo kulankaas Agaasime Diyaano ku wehlinaayeen Isimo uu hoggaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse.

- Advertisement -

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu kulanka inta uu socday uu Agaasimihii uu xilka qaadista ku sameeyay ee Maxamuud Cismaan ka codsaday inuu marka hore aqbalo xilka qaadista, uuna wareejiyo xilka.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo oo soo xigtay Isimo ka qeyb ahaa kulanka ayaa tilmaamay in Agaasime Diyaano uu kasoo horjeestay Codsiga uga yimid Madaxweyne Deni ee ahaa inuu xilka wareejiyo, si loogu fuliyo wixii uu rabo.

Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa dhankiisa dalbaday in Madaxweynaha Puntland uu  aqbalo go’aankii u dambeeyay ee soo saareen Isimada Gobolka Bari, kadibna la xalliyo wixii khilaaf ah ee jira, wuxuuna Go’aankaas ahaa in Diyaano loo daayo Agaasimaha PSF.

- Advertisement -

Si kastaba waxaa dhowr jeer fashilmay isku dayo lagu doonayey in lagu xaliyo khilaafka ka dhashay xilka qaadistii uu Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ku sameeyay Agaasimihii Ciidanka PSF, iyadoona arrintaas ay sababta dagaal khasaaro badan dhaliyey.

Latest stories