HomeWararJames Swan oo Taliye Xijaar iyo Saraakiil Ciidan kala hadlay Amniga Doorashooyinka

James Swan oo Taliye Xijaar iyo Saraakiil Ciidan kala hadlay Amniga Doorashooyinka

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta shir la qaatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, ahna Madaxa Hawl-galka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), James Swan iyo  Saraakiil Sare oo ka tirsan Xafiiskiisa. Kulanka dhexmaray Taliye Cabdi Xasan Maxamed iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey […]

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta shir la qaatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, ahna Madaxa Hawl-galka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), James Swan iyo  Saraakiil Sare oo ka tirsan Xafiiskiisa.

Kulanka dhexmaray Taliye Cabdi Xasan Maxamed iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday dhammaystirka iyo xoojinta sugidda amniga doorashooyinka dalka…

- Advertisement -

James Swan ayaa Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ku boggaadiyey guushii ay ku xaqiijiyeen sugidda amniga Doorashooyinkii ka dhacay Muqdisho ee doorashadii Gobolada Waqooyi ee Somaliland iyo kuwii Banaadiriga ee lasoo gaba-gabeeyey.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay inay ka go’an tahay xaqiijinta amniga Magaalooyinka loo qorsheeyay inay ka dhacaan doorashooyinka Xildhibaanada Golaha Shacabka oo heer gaba-gabo ah maraya.

Kulanka uu Taliye Xijaar la yeeshay James Swan iyo  Saraakiil Sare oo ka tirsan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Muqdisho ayaa waxaa ku wehlinaayay Saraakiil Sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya.

Latest stories