HomeWararGuddoomiyaha G/Gedo ee DF oo ka horyimid Guddigii uu RW Rooble u...

Guddoomiyaha G/Gedo ee DF oo ka horyimid Guddigii uu RW Rooble u magacaabay Garbahaareey

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Buulle Garaad (Canjeex) ayaa ka hor yimid Guddigii uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta u magacaabay qiimeynta xaaladda doorasho ee Magaalada Garbahaareey. Guddoomiye Axmed Buulle oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in aysan ku qanacsaneynin Guddiga uu Rooble u magacaabay ka soo tala bixinta […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Buulle Garaad (Canjeex) ayaa ka hor yimid Guddigii uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta u magacaabay qiimeynta xaaladda doorasho ee Magaalada Garbahaareey.

Guddoomiye Axmed Buulle oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in aysan ku qanacsaneynin Guddiga uu Rooble u magacaabay ka soo tala bixinta sidii doorashada loogu qaban lahaa Garbahaareey, uuna kala qeybsamay Guddigaas.

- Advertisement -

Wuxuu sheegay Guddoomiye Axmed Garaad in Ra’iisul Wasaaraha uu Gedo u soo diray Guddi uu ku jiro Abuukaato Cumar Dhageey oo uu ku eedeeyay in uusan rabi in Garbahaareey ka dhacdo doorashado, oo uu ka gudbinayo Gobolka xaalad aan ka jirin.

“Ra’iisul Wasaare Guddiga uu Cumar Dhageey Madaxdu ka yahay ee magacaawday, waxaan ognahay natiijada ay keeni doonaan mana ku qanacsanin,  Cumar Dhageey, wuxuu neceb yahay dadka Gedo, wixii dhib ah ee ka dhashana qofkii soo diray ayaa qaadaya” ayuu ka yiri Guddoomiye Axmed Garaad.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee dowladda ayaa sheegay in Abuukaato Cumar Dhageey uu u socdo in Garbahaarreey uu kasoo gudbiyo wax aan jirin oo uu qorsheynayo in Magaaladaas laga wareejiyo doorashada Golaha Shacabka.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan Guddi ka kooban 7 xubnood magacaabay, kuwaasi oo qiimeyn ku sameeyn doona sidii ay doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka uga dhici laheyd Garbahaareey.

Latest stories