HomeWararFaah faahin: Israsaaseyn khasaaro geysatay oo Maanta ka dhacday Degmada Raage-ceelle

Faah faahin: Israsaaseyn khasaaro geysatay oo Maanta ka dhacday Degmada Raage-ceelle

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Faah faahino ayaa kasoo baxaya Israsaaseyn Maanta ka dhacday degmada Raage-ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, taasi oo dhexmartay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmadaas iyo rag hubeysan oo ah maleeshiyaad deegaanka. Ciidanka dowladda ee Maamulka degmada Raage-ceelle ayaa waxaa la sheegay inay weerar ku qaadeen ragga hubeysan oo Isbaaro dhigtay qeyb kamid ah degmada, isla […]

- Advertisement -

Faah faahino ayaa kasoo baxaya Israsaaseyn Maanta ka dhacday degmada Raage-ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, taasi oo dhexmartay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmadaas iyo rag hubeysan oo ah maleeshiyaad deegaanka.

Ciidanka dowladda ee Maamulka degmada Raage-ceelle ayaa waxaa la sheegay inay weerar ku qaadeen ragga hubeysan oo Isbaaro dhigtay qeyb kamid ah degmada, isla markaana waxaa raggaas lagu eedeeyay inay lacago ka qaadeen gaadiid safar ahaa.

- Advertisement -

Guddoomiyaha degmada ayaa sheegay in ay beegsadeen koox Isbaaro dhigatay oo loo xaal waayay, halka dhalinyarada la wareerayna ay sheegeen in ay diidan yihiin maamul xumo ka jirta degmada Raage-ceelle Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Hirshabeelle.

Ma jirto ilo madaxbanaan oo xaqiijin kara waxa uu salka ku haayo dagaalka labada dhinac ee Maanta dhacay, waxaana la xaqiijiyay  inay ku dhinteen laba ruux, halka tirro intaas kabadana ay dhaawacyo soo gaareen, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Shaqaaqadii maanta ka dhacday degmadaas ayaa daba joogto mid kale oo todobaadkii hore ka dhacday degmadaas Raage-ceelle, taasoo sababtay dhaawaca dhowr qof, mana jiro war ah oo kasoo baxay Maamulka degmada iyo Gobolka oo ku aadan falkaas dhacay.

Latest stories