HomeWararMadaxweynaha Galmudug oo diray baaq ku aaddan Abaaraha

Madaxweynaha Galmudug oo diray baaq ku aaddan Abaaraha

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Madaxwaynaha dowlad Goboleedka Galmudug,  Axmed Cabdi Kaariye, ayaa waxa uu soo xeray shir saacada badan qaatay oo looga hadlayay abaaraha kudhuftay deegaannada iyo degmooyinka Galmudug. Shirka ayaa waxaa ku sugnaa hay’addaha gaargaarka sida Qaramada Midoobay iyo hayadaha gargaarka ee kashaqeeya deegaannada Galmudug. Shirkan oo ay soo agaasintay Wasaaradda Gargaarka, ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasaaradda […]

- Advertisement -

Madaxwaynaha dowlad Goboleedka Galmudug,  Axmed Cabdi Kaariye, ayaa waxa uu soo xeray shir saacada badan qaatay oo looga hadlayay abaaraha kudhuftay deegaannada iyo degmooyinka Galmudug. Shirka ayaa waxaa ku sugnaa hay’addaha gaargaarka sida Qaramada Midoobay iyo hayadaha gargaarka ee kashaqeeya deegaannada Galmudug.

Shirkan oo ay soo agaasintay Wasaaradda Gargaarka, ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Haweenka, Wasaaradda Caafimaadka iyo sidoo kale Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, iyadoona wasaaradaha iyo hayadihii kasoo qeyb galay kulanka ay isla jeexjeexeen saameenta abaarta ay ku yeelatay Galmudug.

- Advertisement -

Mudane Axmed ayaa waxa uu sheegay in abaarta ay saameeysay dad gaaraya todobo boqol oo kun (700,000) oo qof, kuwaas oo ku sugan degmooyinka iyo deegaannada Maamulka Galmudug, iyadoo uu uga mahadceliayay howsha ballaaran oo ay wadaan Wasaaradaha Galmudug iyo hay’adaha gargaarka ee shirka qeybta ka ahaa.

Madaxwaynaha Galmudug ayaa xusay in dadka xoolaha haystay ay qaar uga dhinteen biya la’aan, halka intii soo hartana ay u taag waayeen, maadaama aysan uhayn baad iyo biyaba, waxana uu sidoo kale soo hadal qaaday in iskuullo gaaraya 50 oo hoostaga deegaanada Galmudug ay u xirmeen abaarahaha, sidaasna ay waxbarasho la’aan ku soo wajahday ardaydii dhiganaysay.

Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa baaq u diray hay’adaha caalamiga ah, isagoo ugu baaqay in ay laba jibaaraan dadaaladooda ku aadan wax ka qabashada abaaraha xooggan ee saameeyay Galmudug, waxana uu si gaar ah ugu baaqay ganacsatada iyo dadka ka soo jeeda Galmudug, inay garab istaagaan dadka abaartu saameesay.

- Advertisement -

Ugu danbayn, madaxwaynaha Galmudug ayaa sheegay in abaartu ay ka dhasheen cuduro ay kamid tahay Jadeecada, iyadoo suuragal ay tahay in cuduro badan ay kadhalan karaan xilli cunta la’aanta iyo biyo la’aantuba ay gaartay heerkii ugu sarreeyay, taas oo ubaahan wax kaqabasho degdeg ah, maadama ay Galmudug kow ka tahay deegaannada ay abaartu saameesay.

Latest stories