Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qasriga Madaxtooyada ku-meel gaarka u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi ka socday Qaramada midoobay.
Madaxweynaha ayaa kulanka la yeeshay Wafdi ay Hogaaminaysay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay Marwo Anita Kiki Gbeho,
Kulanka Madaxweynaha iyo Wafdiga oo ay ka qeybgaleen Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada waxaa looga Hadlay Arimaha Abaaraha,Doorashooyinka iyo Amniga.
Abaaraha ayaa si weyn u saaameeyay Degaanada Maamulka Koofur Galbood Soomaaliya, waxaana isi-soo taraya qayla dhaanta kasoo yeeraysa dadka danyarta ah ee dhibaataysan.
