HomeCaalamkaBelarus oo marti galineysa wada hadalo dhex maraya Ukraine iyo Ruushka

Belarus oo marti galineysa wada hadalo dhex maraya Ukraine iyo Ruushka

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Dowladda Belarus, ayaa sheegtay iney diyaarisay goob lagu marti galinayo wada hadal u dhaxeeya wufuud ka kala socota Ukraine iyo Ruushka, iyadoo duullaanka maamulka Moscow uu ku qaadey dalka dariska ee dhaca dhanka galbeed uu galey maalintii shanaad. Dowladda Ukraine ayaa oggolaatey iney diblomaasiyiin u dirto meel u dhow xuduudda Ukraine iyo Belarus, inkastoo ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Belarus, ayaa sheegtay iney diyaarisay goob lagu marti galinayo wada hadal u dhaxeeya wufuud ka kala socota Ukraine iyo Ruushka, iyadoo duullaanka maamulka Moscow uu ku qaadey dalka dariska ee dhaca dhanka galbeed uu galey maalintii shanaad.

Dowladda Ukraine ayaa oggolaatey iney diblomaasiyiin u dirto meel u dhow xuduudda Ukraine iyo Belarus, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in kaligii taliyaha dalkani, Alexander Lukashenko, uu diyaariyey ciidamo ku biira duullaanka lagu qaadey Ukraine.

- Advertisement -

“Goobta uu ka dhacayo wada hadalada Ukraine iyo Ruushka waala diyaariyey, waxaa la filayaa imaanshaha wufuudda,” ayaa lagu soo qorey bogga ay baraha bulshada ku leedahay wasaaradda arrimaha dibadda ee Belarus, iyadoo ay warbixintu la socotay sawirka miiska dheer, oo ay ku xardhan yihiin calamada Ruushka iyo Ukraine.

Anatoly Glaz, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas, ayaa yiri: “Wada hadalada waxey bilaaban doonaan, isla marka dhammaan wufuudda ay yimaadaan goobta kulanta.”

Dowladda Ukraine ayaa tilmaantey in kulanka aaney wax natiijo ah ka soo bixi doonin, waxaa madaxweyne Volodymyr Zelensky uu isna sheegay inuusan fileynin in wada hadalada ay kasoo baxayaan natiijo wax ku ool ah.

- Advertisement -

“Sida had iyo jeer dhacda: Runtii ma rumeysni natiijada shirkani, laakiin ha isku dayaan,” ayuu yiri Zelenzky.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts