HomeWararXukuumadda Somalia oo caddeeysay mowqifkeeda Weerarka uu Ruushka ku qaaday Ukraine

Xukuumadda Somalia oo caddeeysay mowqifkeeda Weerarka uu Ruushka ku qaaday Ukraine

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed  Xuseen Rooble ayaa qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann oo ay ka wada hadleen qodobbo dhowr ah ku saabsan doorashooyinka, amniga iyo abaaraha ka jira dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in howsha doorashada xildhibaannada Golaha Shacabku ay mareyso heer gebo-gebo ah, uuna filayo in ay […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed  Xuseen Rooble ayaa qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann oo ay ka wada hadleen qodobbo dhowr ah ku saabsan doorashooyinka, amniga iyo abaaraha ka jira dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in howsha doorashada xildhibaannada Golaha Shacabku ay mareyso heer gebo-gebo ah, uuna filayo in ay ku soo  dhammaato xilliga loo asteeyay ee 15ka March, taas oo ay xigi doonto doorashada Guddoonnada Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

- Advertisement -

Kulanka ayaa sidoo kale la iskula soo qaaday taageerada Midowga Yurub ka geysanayaan gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay, iyadoo safiirku sheegtay in Midowga Yurub ay 41 Milyan oo dollar u qoondeeyeen gurmadka abaaraha ka jira dalka, ayna taageerayaan dadaallada Ra’iisul Wasaaruhu hormuudka ka yahay ee socda.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Safiirka Midowga Yurub ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladda colaadeed ee ka dhalatay dagaalka Ruushku ku qaaday Ukraine iyo saameynta ay ku yeelan karto Yurub iyo guud ahaan dunida.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay xaaladdaas colaadeed, isagoo ku baaqay in wada hadal lagu dhammeeyo colaadda taagan, waxaana sidaas lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Rooble…

- Advertisement -

Latest stories