HomeWararRa’iisul Wasaare Rooble oo War kasoo saaray Guushii uu Maanta gaaray Macalimuu

Ra’iisul Wasaare Rooble oo War kasoo saaray Guushii uu Maanta gaaray Macalimuu

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo gaar ah u diray Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu oo maanta loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Qoraal uu soo saaray waxaa uu ugu hambalyeeyay Afhayeen Macalimuu oo kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay Hop#068, kadib markii […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo gaar ah u diray Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu oo maanta loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Qoraal uu soo saaray waxaa uu ugu hambalyeeyay Afhayeen Macalimuu oo kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay Hop#068, kadib markii Afhayeenka loo tanaasulay, uuna tartanka ka hadlay Musharaxiin la tartami lahaa.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa sheegay in Macalimuu uu dalka ugu soo shaqeeyay xirfado kala duwan, xilliyo kala duwan isagoo u soo dhabar adaygay duruufo adag, isagoona xusay inuu mudnaa Macalinka inuu noqdo Xildhibaan.

“Macallimuu waxa uu dalka ugu soo shaqeeyay xirfado kala duwan, xilliyo kala duwan isagoo u soo dhabar adaygay duruufo adag oo aan dhiirrigelineyn. Ma badna ayaan filayaa qof ka mudan in maanta lagu maamuuso in uu xildhibaan u noqdo Qaranka oo uu Macallimuu u 5 jeer u dhaawacmay. Waxaan u mahadcelinayaa dadka uu kursiga ku matalo oo u doortay xilkan iyo Shacabka Soomaaliyeed ee garab istaagga u muujiyay” ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa Maanta kusoo baxay oo ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#068, isla markaana waxaa loogu coddeeyay qaab gacan taag ah, kadib markii uu u tanaasulay Xasan Cabdicasiis Xasan oo la tartami lahaa Macalinka.

Latest stories