HomeWararHowlgal Dad lagu soo qabtay oo laga sameeyay degaano ka tirsan Gobolka...

Howlgal Dad lagu soo qabtay oo laga sameeyay degaano ka tirsan Gobolka Banaadir

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa qeybta Bari ayaa xalay howlgalo saacado qaatay waxaa ay ka sameeyeen xaafaddo ka tirsan deegaanada Gubadley, Daarusalaam iyo degmada Yaaqshiid ee Gobolkaan Banaadir. Inta uu socday howlgalka ayaa waxaa ay Ciidamada kusoo qabteen dad u badan dhallinyaro oo laga isaga keenay xaafaddo kala tirsan deegaanada howlgalka laga […]

- Advertisement -

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa qeybta Bari ayaa xalay howlgalo saacado qaatay waxaa ay ka sameeyeen xaafaddo ka tirsan deegaanada Gubadley, Daarusalaam iyo degmada Yaaqshiid ee Gobolkaan Banaadir.

Inta uu socday howlgalka ayaa waxaa ay Ciidamada kusoo qabteen dad u badan dhallinyaro oo laga isaga keenay xaafaddo kala tirsan deegaanada howlgalka laga fuliyay, kuwaasi oo laga isugu geeyay goob barxad, kadibna baaritaano lagu sameeyay.

- Advertisement -

Howlgalkaan ayaa waxaa hoggaaminayey Guddoomiyeyaasha degmooyinka Yaaqshiid, Hiliwaa iyo Taliyaha Booliska qeybta Bari, waxaana ujeedkiisa uu ahaa mid lagu doonayey in lagu xaqiijiyo ammaanka deegaanada Gubadley iyo Daarusalaam oo mararka qaar ay ka dhacaan falal amni darro.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullaahi Cariif oo la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in howlgalkaan loogu tala-galay dardar-gelinta amniga Caasimadda, wuxuuna shacabka degmadiisa ka dalbaday inay Nabadda kala shaqeeyaan Ciidamada.

Taliyaha Booliska qeybta Bari Gaashaanle Cali Calasow Xasan Goofjooge ayaa isna dhakiisa sheegay inay duulaan ku yihiin cid kasta oo amni darro sida: dadka dilalka iyo dhaca geysta, isagoo xusay in howlgalka uu noqon doono mid joogta ah oo la fuliyo.

Latest stories