HomeWararFaah faahin: Shil khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Faah faahin: Shil khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa fiidnimadii xalay ka dhacay wadada aadka u mashquulka badan ee Maka Al-mukaraha gaar ahaan Isgoyska Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho. Shilkaan ayaa waxaa uu yimid, kadib markii gaari nooca aan xabbada karin ee loo yaqaano Bullet-proof uu ku fariin goostay banaanka hore ee […]

- Advertisement -

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa fiidnimadii xalay ka dhacay wadada aadka u mashquulka badan ee Maka Al-mukaraha gaar ahaan Isgoyska Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho.

Shilkaan ayaa waxaa uu yimid, kadib markii gaari nooca aan xabbada karin ee loo yaqaano Bullet-proof uu ku fariin goostay banaanka hore ee Maqayaad lagu magacaabo Mr. Fruto oo ku taalla laamiga dhinaciisa ee Isgoyska Shaqaalaha.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku geeriyooday shilkaas ka dhacay Magaalada Muqdisho, halka shan qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo durbadii looga cararay Isbitaalo, si xaaladdooda Caafimaad loogu dabiibo, oo haatan lala tacaalayo.

Darawalka waday gaariga proof-ta ahaa ayaa waxaa la sheegay inuu xakameyn waayay gaariga oo ku socday xawaare dheereeya, isla markaana uu darawalka lugta la waayay bareega gaariga, sidaasina uu ku galay maqaayada Mr. Fruto oo horteeda ku fadhiyeen dad farabadan oo halkaas ku caweynayey.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca shilal kala duwan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta badan loo sababeeyaa shilalka Caasimadda ka dhaca darawalada oo gaadiidka xawaare sare ku wada…

Latest stories