HomeWararDoorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Baladweyne

Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Baladweyne

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Maanta oo Axad ah lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Maamulka Hirshabeelle. Guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa maalintii shalay aheyd dhammeeyay diiwaan-gelinta iyo shahaado siinta Musharaxiinta u tartamaya lix kursi  oo Maanta doorashadoodu ka dhaceyso Magaalada […]

- Advertisement -

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Maanta oo Axad ah lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Maamulka Hirshabeelle.

Guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa maalintii shalay aheyd dhammeeyay diiwaan-gelinta iyo shahaado siinta Musharaxiinta u tartamaya lix kursi  oo Maanta doorashadoodu ka dhaceyso Magaalada Baladweyne.

- Advertisement -

Kuraasta la dooranayo ayaa waxaa tirsigoodu kala yihiin Hop#031 oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Wasiiru dowlaha Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Xilgaarsiinta Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gama’diid.

Kursiga Hop#022 ayaa waxaa dhowrkii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Cismaan Maxamed Cabdi Daalo, waxaana isku soo sharaxay dhowr Musharax oo dooneysa inay u tartaman kursigaas Golaha Shacabka.

Kursiga Hop#003 ayaa waxaa ku fadhiyey Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-Beene, halka kursiga Hop#068 oo ay ku fadhiso Faadumo Faarax Ibraahim, iyadoona kursigaas loo diiwaan-geliyay Musharaxiin u tartamaya.

- Advertisement -

Sidoo kale kuraasta doorashadoodu Maanta dhaceysa ayaa waxaa ku jira kursiga Hop#032 oo ku fadhiyey Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Xilgaarsiinta Khaliif Cabdi Cumar iyo Hop#006 oo ku fadhiyey Maxamuud Cabdullaahi Axmed.

Kuraasta doorashadoodu la qabanayo Maanta oo Axad ayaa waxaa uu qorshahu ahaa in maalintii shalay aheyd la qabto, balse dib u dhac ayaa ku yimid, waxaan sidaas lagu diiwaan-geliyey Musharaxiinta u tartamaya kuraastaan.

Latest stories