HomeWararAkhriso:-Magacyada Lix Xildhibaan cusub oo Maanta lagu doortay Magaalada Baladweyne

Akhriso:-Magacyada Lix Xildhibaan cusub oo Maanta lagu doortay Magaalada Baladweyne

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Doorashada lix kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah ka dhacday Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Doorashada kursiga tirsigiisu yahay Hop#032 ayaa waxaa ku tartamay Musharaxiinta kala ah Axmed Cumar Gureeu  iyo Khaliif Cabdi Cumar oo ah Wasiirka Ganacsiga […]

- Advertisement -

Doorashada lix kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah ka dhacday Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay Hop#032 ayaa waxaa ku tartamay Musharaxiinta kala ah Axmed Cumar Gureeu  iyo Khaliif Cabdi Cumar oo ah Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda xilgaarsiinta, waxaana doorashada kusoo baxay Khaliif Cabdi oo helay 81 Cod, halka Axmed Cumar uu isna helay 10 Cod, 7 Codna waa halaawday.

- Advertisement -

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Maxamed Ibraahim Macallimow  ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#068 ee Golaha shacabka, isla markaana waxaa loogu coddeeyay qaab gacan taag ah, kadib markii loo tanaasulay.

Kursiga HOP022 ayaa waxaa ku guuleystay Cismaan Maxamed Cabdi Daalo oo loogu coddeeyay qaab gacan taag ah, waxaana Cismaan Daalo u tanaasushay Faadumo Maxamed Cabdulle oo shaacisay inay tartanka ka hartay, sidaasina lagu doortay Daalo.

Doorashada kursiga HOP#033 ayaa waxaa ku tartami lahaa Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene iyo Aadan Qaasim Maxamuud, balse inta aysan bilaaban doorashada ayaa waxaa tartank haray Aadan Qaasim, iyadoona kursiga loo doortay Beene Beene.

- Advertisement -

Maxamuud Cabdullaahi Axmed oo hab gacan taag ah loogu coddeeyay ayaa ku guuleystay kursiga HOP006 ee Golaha Shacabka, kadib markii uu tanaasulay Musharaxii latartamayay Cabdinaasir Cumar Cabdulle.

Kursiga ugu dambeeyay ee doorashadiisa Maanta ka dhacday Magaalada Baladweyne ee tirsgiisu yahay HOP#252 ayaa waxaa kusoo baxay Cabdikariim Cabdow Xeydar, waxaana u tanaasushay Maariya Najiib Maxamed, oo shaacisay inay tartanka ka hartay.

Latest stories