HomeWararAfhayeenka Xukuumadda Macalimuu oo loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka

Afhayeenka Xukuumadda Macalimuu oo loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Waxaa Maanta Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka dhacday doorashada kursiga Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee tirsigiisu yahay Hop#068, kaasi oo kusoo baxay Afhayeenka Xukuumadda Federaalk Soomaaliya. Doorashada kursiga Hop#068 ayaa waxaa uu ku tartami lahaa Musharaxiinta kala ah  Xasan Cabdicasiis Xasan iyo Maxamed Ibraahim Nuur oo loo yaqaano Macalimuu ahna Xukuumadda Federaalka, balse […]

- Advertisement -

Waxaa Maanta Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka dhacday doorashada kursiga Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee tirsigiisu yahay Hop#068, kaasi oo kusoo baxay Afhayeenka Xukuumadda Federaalk Soomaaliya.

Doorashada kursiga Hop#068 ayaa waxaa uu ku tartami lahaa Musharaxiinta kala ah  Xasan Cabdicasiis Xasan iyo Maxamed Ibraahim Nuur oo loo yaqaano Macalimuu ahna Xukuumadda Federaalka, balse inta aysan bilaaban doorashada ayaa waxaa tartanka ka haray Xasan.

- Advertisement -

Ergada doorashada ayaa Maxamed Ibraahim Macalimuu ugu coddeeysay qaab gacan taag ah, isla markaana waxaa uu helay 92 Cod oo ah dhammaan codadkii kalsoonida ku siiyeen Macalimuu oo ku soo baxay doorashada kursiga.

Guddiga doorashada Maamulka Hirshabeelle oo ku dhawaaqay Natiijada doorashada ayaa sheegay in kursiga Golaha Shacabka ee tirsigiisu yahay Hop#068 uu kusoo guuleystay Afhayeenka Xukuumadda Federaalk Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Afhayeen Macalimuu ayaa 16-ka bishii Janaayo 2022 Magaalada Muqdisho lagula beegsaday qarax Is-miidaamin ah oo kasoo gaaray dhaawac, waxaana markii dambe dhaawaciisa loo qaaday dalka Turkiga oo lagu soo daaweeyay, isagoona Maanta noqday Xildhibaan.

Latest stories