HomeWararMareykanka oo xayiraad saaray shakhsiyaad lagu eedeyay dib u dhaca Doorashada Somalia

Mareykanka oo xayiraad saaray shakhsiyaad lagu eedeyay dib u dhaca Doorashada Somalia

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Dowladda Mareykanka ayaa Jimcihii mamnuucday in mas’uuliyiin iyo shaqsiyaad kale oo Soomaali ah ay u safraan Mareykanka, iyadoo ku eedeysay inay “waxyeeleynayaan hannaanka dimuqraadiyadda” Soomaaliya. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Mareykanka uu soo rogay xayiraadda fiisaha kadib markii Soomaaliya ay dib ugu dhigtay doorashadii baarlamaanka 15-ka March, taas oo ay […]

- Advertisement -

Dowladda Mareykanka ayaa Jimcihii mamnuucday in mas’uuliyiin iyo shaqsiyaad kale oo Soomaali ah ay u safraan Mareykanka, iyadoo ku eedeysay inay “waxyeeleynayaan hannaanka dimuqraadiyadda” Soomaaliya.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Mareykanka uu soo rogay xayiraadda fiisaha kadib markii Soomaaliya ay dib ugu dhigtay doorashadii baarlamaanka 15-ka March, taas oo ay ahey in la soo gabagabeeyo Jimcihii shalay.

- Advertisement -

“Hadda waxaan kusoo rogaynaa xannibaado fiisaha iyadoo la raacayo siyaasaddan ka dhanka ah tiro ka mid ah mas’uuliyiinta Soomaalida iyo shakhsiyaadka kale si kor loogu qaado isla xisaabtanka falalkooda is-hortaagga ah,” ayuu Blinken ku yiri bayaan ay soo saartay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Doorashada baarlamaanka oo soo bilaabatay bishii November ayaa ah mid dadban oo ay ku lug leeyihiin odayaasha beelaha soo xulaya 275-ta xubnood ee GolaHa Shacabka, iyagoo dooran doona madaxweyne cusub waqti aan weli la cayimin.

Al-Shabaab, oo inta badan weeraro iyo qaraxyo ka geysta caasimadda Muqdisho iyo meelo kale oo ka tirsan Soomaaliya ayaa sidoo kale caqabad ku noqday doorashadan, waxaana bartamihii bishii hore ee Feberaayo, weerar is-miidaamin ah lala beegsaday bas ay saarnaayeen ergooyin doorasho, waxaana ku dhintay ugu yaraan lix qof magaalada Muqdisho, inkasta oo ergadia wax dhaawac ah aau soo gaarin.

Latest stories