HomeWararHaweeney Gabar ay dhashay Ceejo ugu dishay Magaalada Muqdisho

Haweeney Gabar ay dhashay Ceejo ugu dishay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Waxaa xaafad ka tirsan degmada Wadajir Gobolkaan Banaadir ka dhacday dhacdo Argagax leh oo dad badan murug ku beertay, kadib markii Haweeney ay gabar yar oo ay dhashay ku dishay  Ceejo, kadibna qeyb kamid ah jirkeeda gubtay. Haweeney lagu magacaabo Deeqo Muxudiin ayaa maalintii khamiista aheyd ee lasoo dhaafay Ceejo ku dishay gabar yar oo […]

- Advertisement -

Waxaa xaafad ka tirsan degmada Wadajir Gobolkaan Banaadir ka dhacday dhacdo Argagax leh oo dad badan murug ku beertay, kadib markii Haweeney ay gabar yar oo ay dhashay ku dishay  Ceejo, kadibna qeyb kamid ah jirkeeda gubtay.

Haweeney lagu magacaabo Deeqo Muxudiin ayaa maalintii khamiista aheyd ee lasoo dhaafay Ceejo ku dishay gabar yar oo dhashay, taasi oo 9-sanno jir aheyd, waxaana gabadha Meydkeeda ay Hooyada  hoos-gelisay sariir, kuna qarisay.

- Advertisement -

Madiino Muude oo ayeeyo u ah gabadha la dilay ayaa warbaahinta u sheegtay in gabadheeda oo lagu magacaabi jiray Asma Xuseen Axmed ay dishay hooyadii dhashay, isla markaana si arxan darro oo dileedkeeda Asma u dhacay.

Madiino ayaa sheegtay in dhacdadaan ay ku ogaatay inay tagtay Gurigii ay ku nooleyd Asma, isla markaana Hooyada dhashay gabadha ay Ayeeyada u aheyd ay weydiisay gabarteeda, kadibna loo sheegay in loo diray Baraf, saacado kadibna ay iska baxday.

“Waxaan tagay Guriga oo cidda aan ku dhahay aaway Asma, Baraf ayey doontay ayaa leygu yiri, Cabaar aan joogay guriga, waan iska baxay ileen iyada oo Meyd ah Asma ayeyba Sariir hooteeda ku jirta oo lagu qariyey, jimcadii ayaa waxaa isoo wacday Hooyada dhashay Asmo oo igu tiri Asmo shuban iyo Matak aa ku dhacay, Isbitaal ayeyna ku dhimatay” ayey tiri Madiino Muude oo ayeeyo u ah gabadha la dilay.

- Advertisement -

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ay xireen Deeqo Muxudiin oo ah Haweeneyda dishay gabadheeda Asma Xuseen Axmed.

Dhacdooyinka argagaxa leh ayaa mudooyinkan kusoo badanaya magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka, waxaana dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho kamid ahaa Nin dilay xaaskii uu qabay oo 9 Carruur ah u dhashay.

Latest stories