HomeWararGuddiga Khilaafaadka oo War kasoo saaray Dacwad laga soo gudbiyey kursiga HOP045

Guddiga Khilaafaadka oo War kasoo saaray Dacwad laga soo gudbiyey kursiga HOP045

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ayaa shaaciyay inuu muddo dheeraad ku daray baarista dacwada laga soo gudbiyey kursigii uu ku fadhiyey Wasiirka Batroolka Xukuumadda xilgaarsiinta, kaasi oo doorashadiisa dhawaan ka dhacday Magaalada Baraawe. Qoraal kasoo baxay Guddiga Xallinta Khilaafaadka ayaa waxaa lagu sheegay in muddo shan maalmood ah ku dareen baarista dacwada kursiga Golaha Shacabka […]

- Advertisement -

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ayaa shaaciyay inuu muddo dheeraad ku daray baarista dacwada laga soo gudbiyey kursigii uu ku fadhiyey Wasiirka Batroolka Xukuumadda xilgaarsiinta, kaasi oo doorashadiisa dhawaan ka dhacday Magaalada Baraawe.

Qoraal kasoo baxay Guddiga Xallinta Khilaafaadka ayaa waxaa lagu sheegay in muddo shan maalmood ah ku dareen baarista dacwada kursiga Golaha Shacabka ee tirsigiisu yahay HOP045 oo dhawaan kusoo baxay nin lagu magacaabo Maxamuud Axmed Maxamed.

- Advertisement -

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ayaa Guddiyada heer Federaal iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ka dalbaday inay tixgeliyaan duruufaha jira iyo xog uruurinta uu Guddiga wado, isla markaana lagu ogaanayo baarista dacwada laga soo gudbiyey kursiga HOP045.

Kursigan oo doorashadiisu ka dhacday degmada Baraawe ayaa dhawaan loo diiday inuu u tartamo Wasiirka Batroolka Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed, isagoo dacwad ka gudbiyay Musharaxii ku guuleystay ee Maxamuud Axmed Maxamed.

Latest stories